Qarax ka dhacay Hotel Muna ee magaalada Muqdisho

February 8, 2012 - Written by

Gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa ayaa  lagu weeraray Hotel Muna oo ku yaal xaafada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho. qarax ayaa dhawaqiisa waxaa laga maqlay xaafada Xamarweyne iyadoo dad badan ay ka argagaxeen  qaraxa. Goobjooge ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa saxaafada u sheegay in gaari laga soo buuxiyey walxaha qarax la dhigay Maqaayada ku taal Hotel Muna gadaashiisa ,warar is khilaafsan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan qaabka gaariga loola bartilmaamsaday Hotelka  iyadoo la sheegay in gaariga uu saarnaa hal qof halka war kalena uu sheegayo in gaariga marka meesha la soo dhigay meel fog laga qarxiyey.

Hotelka Muna ee la bartilmaamsaday ayaa  waxaa deganaa  xilibaano ka tirsan DFKM balse ilaa hadda xilibaanada la shaaciyey in weerarka ay ku dhaawacmeen ayaa ah ilaa 2 xilibaan sida warar hordhac ah oo soo baxay ay sheegayaan, dadka rayidka ama ka agdhawaa Hotelka la weeraray ayaa khasaaraha ugu badan uu soo gaartay iyadoo dadka ku dhintay ay gaarayaan ilaa 15 qof halka ilaa 30 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Col. Axmed Xassan Maalin oo saxaafada la hadlay markii uu qaraxu dhacay ayaa sheegay in dad ku dhinya weerarka ay gaarayan ilaa 11 qof halka dhaawacuna uu marayo ilaa 15 qof, Taliyaha ayaa sheegayt in ciidanka DFKM ay ka hortagi doonaa weerarada noocaan ah isagoo ugu baaqay dadweynaha in ay la shaqeeyaan ciidanka DFKM.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Col. Axmed Xassan Maalin ayaa  sheegay in dhamaan dadkii ku geeiyooday iyo kuwii ku dhaawacmay weerarka is qarxinta ah ay ahaayeen dad rayid ah oo ka agdhawaa Hotel Muna ,Dhinaca kale Masuuliyiinta ururka Al-shabaab ayaa sheegtay qaraxa lagu weeraray Hotel Muna waxaan ay sheegeen in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen Saraakiil ciidan iyo xilibaano ku shirsanaa Hotel Muna ee magaalada Muqdisho.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaaaaaaaaaaaaaaaaaaahu

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online