Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo la kulmay R/Wasaaraha Talyaaniga(Warsaxaafadeed)
February 1, 2012 - Written byRoma:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Rome ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti.
Labada Ra’iisul Wasaare oo labadaba ah Professoro dhanka Dhaqaalaha ah ayaa yeeshay kulan dheer oo ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga, burcad-badeeda, Qaxootiga Soomaalida, Roadmap ka iyo shirka London ee 23ka Febraayo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti casuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisa loo sameeyey. Ka dibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya iyo horumarka baaxadda leh ee ay Dowladdu ka sameeysey lixdii bilood ee la soo dhaafay dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga, dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti ayaa ballanqaaday inuu garab taagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawini doonaan shacabka soomaaliyeed arrimaha soo celinta amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, dib-u-dhiska dalka iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa mashaariic horumarineed.
Ra’iisul Wasaare Monti ayaa sheegay in Shirka London uu Talyaaniga si weyn u taageeri doono qorshaha Soomaalidu ay wadato ka dib markii uu dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka codsaday in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Shirka London inuu garab istaago Roadmap ka iyo Garowe Principles oo la doonayo in baarlamaan tiro yar oo tayo leh la soo xulo, isla markaana la dhameystiro dastuurka si looga gudbo marxaladda kala guurka ah.
no images were found
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay in Shirka London laga filan karo inuu dib-u-soo nooleeyo hay’adaha amniga Soomaaliya, iyo in August 2012 ay dhacdo doorashooyin.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa waxey si saraaxad leh uga wada hadleen sidii Soomaaliya loogu heli lahaa xal oo ay isku af-garteen.
Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow) Senior Advisor to the
Prime Minister of Somalia