Shiikh Maxamed Idiris oo socdaal dacwadeed ku gaaray dalka Koonfur Afrika
February 27, 2012 - Written byWaxaa hawl dacwadeed ku yimid dalka Koonfur Afrika Sh. Maxamed Idiris Axmed , taariikhdu markii ahayd 26/02/ 2012 asagoo sheekhu wacdigiisii ugu horeeyay caawa ka jeediyey Masjidka Imaamu Shaafici, halkaas oo uu kala hadlay dadka inay Ilaaheey isku xidhaan mar walba iyo goob walbaba, rabbina ay u noqdaan maadaama mar walbaba ay haboon tahay in Alle loo noqdo.
Wuxuu sheekhu aad ugu dheeraaday quluubta iyo in qofku ku xidhnaado Alle subxaanuhu watacaallaa, wuxuu sheekhu aadi doonaa gobolada dalka sida Cape Town iyo gobollada kale .
Sheekhu wuxuu kale oo dacwo u aadi doonaa Musambiik oo ah markii ugu horeysay ee uu sheekhu tago, wadanka Musambiik waxa uu daris la yahay wadankan Koonfur Afrika kana xigtaa dhinaca Waqooyi Bari, waa wadan aad u ballaaran waxaanan hadda ku nool Soomaali door ah, waxaa ku yaalla Masjid Abuubakar As- Saqdiiq oo ku yaala magaalada Nampula, dhismihiisu hadda socdo oo sadex dabaq ah, Soomaaliduna ay leedahay xoogiisa dhulkana ay ayadu iibisay.
Ugu danbayn, waxaanu Ilaaheey ooga baryaynaa in uu sheekhu miisaankiisa xasanaadka oogu daro, dadaalka dacwo ee uu wado goor walba aamiin.
Johannesburg
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
2 Comments so far
Leave a comment
Asc, sheekh maxamed idiris walahay ilahay dartii baan kuu Jeclahay sheekhanaa, kuna soo dhawow maanta magalada Capetown,.
sheekh maxamadoow socdaalkaaga dacwadeed alaah habarakeeyo dhulkana alaah hakuuduubo, waxaan kuubixin doonaa AL-raxaalah ibnu badhuudhihii soomaaliya