Wajiga Labaad ee shirka wadatashig oo saacadaha soo socda ka furmaya Garoowe
February 15, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa maanta ka furmaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wajiga labaad shirka wadatashiga waxaana magaalada soo gaaray wufuud tiro badan oo ka kala socota Beesha Caalamka ,QM ,Jamacada Carabta, Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiilo ka socda Ahlu Suna.
Amaanka magaalada Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyey waxaan meelwalba maraya oo taagan ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Booliska iyaga oo dadweynaha iyo Baabuurta u diidaya in ay wadooyinka ku dhow halka uu shirka ka dhacayo maraaan.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Garoowe waxaa sidoo kale ku sii jeeda magaalada Garoowe wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agustin Mahiga.
Shirka ayaa waxaa uu ka dhacayaa jaamacadda PSU halkaas oo horey loogu qabtay wajigii kowaad ee shirka wadatashiga waxaana kulanka maanta looga doodi doonaa dastuurka ay yeelan doonto dowlada la dhisi doono wixii ka danbeeyey bisha 8aad ee 2012 iyo qaabkii loo yareyn lahaa xubnaha baarlamaanka DFKM .
A/Cawale
Halgan.net