Wajiga Labaad ee shirka wadatashig oo saacadaha soo socda ka furmaya Garoowe

February 15, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta ka furmaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wajiga labaad shirka wadatashiga waxaana magaalada soo gaaray wufuud tiro badan oo ka kala socota Beesha Caalamka ,QM ,Jamacada Carabta, Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiilo ka socda Ahlu Suna.
Amaanka magaalada Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyey waxaan meelwalba maraya oo taagan ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Booliska iyaga oo dadweynaha iyo Baabuurta u diidaya in ay wadooyinka ku dhow halka uu shirka ka dhacayo maraaan.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Garoowe waxaa sidoo kale ku sii jeeda magaalada Garoowe  wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agustin Mahiga.

Shirka ayaa waxaa uu ka dhacayaa  jaamacadda PSU halkaas oo horey loogu qabtay wajigii kowaad ee shirka wadatashiga waxaana kulanka maanta looga doodi doonaa dastuurka ay yeelan doonto dowlada la dhisi doono wixii ka danbeeyey bisha 8aad ee 2012 iyo qaabkii loo yareyn lahaa xubnaha baarlamaanka DFKM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online