Warar aan la hubin oo sheegaya in la qabtay Max’med Mukaawi Seyful Cadli

February 29, 2012 - Written by

Qaahira:-Wakaaladaha warar ee Caalamka ayaa ilaa saaka waxay isla dhexmarayaan in gacanta lagu dhigay oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee dalka Masar Max’med Mukaawi Seyful Cadli oo ka mid ahaa saraakiisha iyo madaxda sare ee Ururkii Al-Qacida waxaana ilaa haatan lala yaaban yahay sida ay ku dhici karto in Sheekh Max’med Mukaawi Seyful Cadli oo ahaan jiray saraal sare oo ka tirsanaa ciidanka dalka Masar inta uusan Al-Qaacida ku biirin uu diyaarad ka soo raaco dalka Pakistaan oo uu ku soo dego Qaahira isaga oo soo maray dalka Imaaraadka Carabta taas o shaki badan dhalin karta.

Max’med Mukaawi Seyful Cadli ayaa waxaa baahiyey qabashadiisa sidoo kale Tv Al-Jazeera oo ay xaruntiisa tahay dalka Qadar .waxaana CIA dalka Mareykan ay sheegeen in lagu qabtay Seyful Cadli 2010 kii xadka Iran iyo Afgaanistaan waxaana lala qabtay sidoo kale Afhayeenkii Al-Qaacida Suleymaan Abu Qayth iyo Sacad Usma Bin Laden waloo la soo daayey markii danbe Seyful Cadli .

Seyful Cadli  ayaa da,diisa lagu qiyaasaa 40 sano jir waxaana uu ku biiray dagaalkii Jihaadka ahaa ee ka socday dalka Afgaanistaan 1988 waana tababare aad u wanaagsan.

Ilaa haatan kama aysan hadal Urur weynaha Al-Qacida wararka ay faafiyeen wakaaladaha warar ee Caalamiga iyo tan carbeed balse waxaa la dhowrayaa in ay Bayaan ka soo saari doonaan.

Waxaa sidoo kale jirin cid ka tirsan dowlada Masar oo xaqiijisay qabashada Max’med Mukaawi Seyful Cadli taas oo shaki weyn galisay warka ay faafisay Al-Jazeera.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online