Wasiirka G/dhiga ee DFKM Xuseen Carab Ciise iyo wafdi la socda oo gaaray Baydhabo
February 29, 2012 - Written byBaydhabo:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhigga ee DFKM Xuseen Carab Ciise iyo ayaa goordhaweyd ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo.
Wasiirka G/dhiga ee DFKM Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan DFKM waxaana amaanka garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo aad u sugay ciidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa Itoobiya. Socdaalka wasiirka G/dhiga ee DFKM Xuseen Carab Ciise ayaa wuxuu ku soo aaday xili ay xiisado colaadeed iyo dagaalo ay ka socdaan gobalada Bay iyo Bakool kuwaas oo u dhexeeya ciidamada DFKM oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya iyo ciidamada Ururka Al-shabaab ee ku biiray dhawaan ururka Al-Qaacida.
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

