Darsigii1aad ee Nadwada ka bilaabatay caawa Boosaaso oo uu jeedshay Sh Bashiir Ahmed(Dhageyso+Daawo)

April 19, 2012 - Written by

Boosaaso:-Darsiga kowad ee kulan cilmiyeedka 10aad ee Nadwada Masjidka Al rowda ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa caawa darsigii koowaad ka soo jeediyay Sheekh Dr Bashiir Axmed Salaad wuxuuna ka hadlay Mowduuc ciwaankiisu ahaa (منهج الأصلاح و التغيير عندأهل السنة و الجماعة ) wuxuna ugu horeyn fasiradaad cilmiyaysan ku sameeyay mowduuca oo uu ku sheegay in uu noqonayo Manhajka Wanaajinta iyo badalidda ee Ahlu Suna wal Jamaaca.

Dr Sheekh Bashiir Ahmed Salaad waxaa uu si guud dulmar ugu sameeyay Mowduca iyo dhinacyada uu taabanayo wuxuna xusay in Manjahka Ahlu Sunna wal Jamacad uu yahay mid gundhigiisu yahay howshii Ambiyadda Alle loo wakiishay ama loo soo dhiibay oo ah in ay dadka Diinta Alle gaadhsiiyaan .

Sheekhu waxa uu sheegay in Dacwada oo laga tagaa ay keenayso in dadku ay noqdaan sida xayawaanka oo kale ayna ilaawaan Noloshooda aakhiro iyo midooda aduunba ,umuaduna ay labo midood tahay mid noloshooda ay khasaarto ama kuwo ay noloshoodu wanaagsanaato  sida uu Alle kitaabkiisa ku sheegay , sidaa oo kale waxa u Sheekhu soo qaatay Axaadis ka hadleyga xaalada Umadda ay ku sugnaan karto ama soo food saari kareysa hadii ay ka tagto Diinteeda

Sheekhu waxa uu xusay in ay lagama maar maan tahay in ay dacwadu ku soocoto wado cad taasina waxay keenaysaa in dadka la baraarujiyo lana saxo waxyaabaha ka khaldan , wuxuuna Sheekhu tusaale u soo qaatay in dadku waxa ugu badan ee ay hadal hayaani ay tahay dhacdooyinka la soo darista waxa taasi keenayana ay tahay hadba qofku sida uu yahay hadii uu xun yahay waxa laga filan karaa ama lagu tuhmiyaa ay tahay xumaan lidiga taasina hadii uu  wanaagsan yahay waxa laga sugayaa ay tahay wanaag ka qeyb qaadashadii ama badbaadinta umada iyadoo la filayo in wanaagiisa mar loo baxsan doono.

Sheekhu waxa uu intaa kadib soo qaatay Axdiiska ka sugnaaday Rasuulka CSW ee ah (فطوبا للغربا)  waxa uu tilmaamay in waxa ugu weyn ee ay Culimadu xadiiskaa ku fasirtay ay tahay kuwa u gar gaaraya Diinta Alle iyo Manhajka Rasuulka SCW ayna kooxdaasi tahay tan dadka ka saareysa xaaladaha adag ee la soo darsaya dhinac kastaa ha noqotee.

no images were found

Sheekhu waxa uu sheegay in Islaamku uu yahay waxa xagga Alle ka yimid Diintuna ay xadiday ,wuxuuna Sheekhu halkaa ku fasiray in qofku ay dhibaato la soo kulanto hadii uu hadafku ka khaldamo  iyo wadada la marayo oo khaldantaa ay tahay labada dhibaato ee ugu daran ee qofka la soo darsi karaya Diinta Islaamkuna ay arintaa muujiyay (قل هذه سبلي ادعو إلى الله على بصيرة )(وهذا صراط ربك مستقيما فتبعوه

Sheekhu waxa uu soo qaatay in xumato oo wax lagu doonaa ama dadka logu hogaamiyaa ay keeneyso in dadku ay wada xumaadan ama xumaantaa ay noqoto mid la caadeysto , waxa uu halkaa ku lifaaqay in waxa loo baahan yahay ay tahay manhajka dacwada oo la soco lana cadeeyo wadada ay ku taagan tahay in ay waafaqsan tahay tan Salafka Saalixa ah ama Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Sheekhu intaa kadib waxa uu tilmaamay in wadada kaliya ee lagu heli karaa manhaj saxani ay tahay iyadoo dib loogu noqdo Manhajkii Rasuulka SCW si markaa ay wadadu u cadaadto wuxuuna soo qaatay 10 qodob oo ay Ambiyadu u martay dadka oo wadada loo soxo wuxuuna soo qaatay in tan koobaad ay tahay – dadka oo towxiidka loogu yeedho ayna ugu horeyso dadka ooo Alle la baro  dadka oo Aakhriyo la barayo , dadka oo Cadaabka lagu  baraarujinayo , mida kalena ay tahay caqiiqada oo dadka laga soxo,mida kalena ay tahay in dadka loo kala cadeeyo wax u sheegida iyo sixida dadka , wuxuna Sheekhu si guud u dul maray qodobada kale oo qaarkood soo hoos galayay kowda aynu sheegnay micno ahaan ama xidhiidhka ay la wadaagna intaba.

Sheekhu waxa uu Sheegay in dacwadu tahay istaraariijiyada koowaad ee  Ummaddu leedahay camalka ugu wanaagsana ay tahay Dacwadu wixii kale ee ka soo hadhay a ay yihin kuwo la xidhiidha ama farac ka ah Dacwada

Sheekhu waxa uu tilmamo ka bixiyay in dadka waxa ugu adag uguna baahida badan ay tahay dacwada iyo wax u sheegidda ayna taasi u baahan tahay wakhti dheer iyo sabir lagu sabro wakhtiga culeyskiisa leh ee mararka qaar dadka dacwada wadaa la soo darsi kara wuxuuna Sheekh halkaa tusaale u soo qaatay in qofka oo howl lagu tababaraa ay tahay mid sahal ah wakhti kooban oo aan bilo dhaafayna ay qaadaneyso balse hadii dadka la doonayo in la wanaajiyo Diin sax ah loo sheegaana ay qaadaneyso wakhti dheer oo loo baahan yahay in laga war dhowro inta dadka wixii loo sheegayay ay ka soo fal celinayaan ama ay dabaqayaan

Sheekha ayaa siyaabo kala duwan u tilmaamay waxyaabaha umada ku dhalin kara in ay noqoto mid mustaqbalkeeda dambe hagaagta ama mid xumaada ay tahay mid ku xidhan hadba sida umadaa loo wacyi galiyaa ama loogu cadeeyada arimahooda Diineed, wuxuuna Sheekhu tusaale u soo qaatay Dalka Turkiya oo dadkii hore ay ugu tala galeen in Cilmaaniyad lagu dabaqo ugu dambeyna ay ka dhalato in dadku gaaalo noqdaan balse sunada Alle ay dhinaca kale noqoday dadkii mudada badan soo cabayay Cilmaaniyadda ay yihiin hadda kuwo sii gababsi ah wakhtigoodina dhamaaday Alle umadda ku badbaadiyay jiil cusub oo fahmay masiirka ay umaddu ku socoto iyagoo ka tusaale qaadanaya xaaladaha wadamada reer galbeedka ay bulshadoodu mustaqbalka dhow iyo kan fogba wadadiisa heyso.

Nadwada ayaa waxaa si toos ah u tabinayay Idaacadaha Daljir Iyo Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Al Xikma xarumaheeda kala duwan iyadoo si toos ah loogala socday magaalooyin gaadhaya 15 Magaalada oo ay ka mid ahaayeen Gaalkacyo Qardho iyo Bosaaso laf ahanteeda , sidaa oo kale waxa ay dadku si toos ah u soo wacayeen Tilfoon masjidka lagu xidhay oo ay si toos ah uga dhageysan kareen Nawada oo maqal toos ah , dhanka TV-yada Satellite ka ee Soomaalida waxaa joogay tabinteeda ka qeyb qaatay TV-ga SomaliSat iyo S24(Royal TV) ,sidaa oo kale dhanka Website-yada waxaa wada joogay Raxanreeb , Horseed Media , Somalimirror iyo Halgan net

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Furitan.mp3]

Ama Halkan

M_M Deeq
Halgan.net
Xuquuqda Maswirada waxaa gaar u leh Raxanreeb.com,HorseedMedia ,Somalimirror iyo Halgan.net

10 Comments so far

Leave a comment

  1. Ilaahay Dr.sh.Bashiir haka abaalmariyo darsigaan qiimaha badan ee uu usoo jeediyay,aamiin.Walaalaha halgan Ilaahay ayagana khayr haka siiyo khayrka ay qaybinayaan,aamiin. Ilaahay culumadana hanoo xifdiyo, cilmigodana hanagu anfaco,aamiin.

  2. Asc. Ilaahay Culimda Ha inoo xifdiyo anagana ha nagu sugo khayrka ay faafinayaan. Runtii ninkii Sifiican u dhuuxa towjihaadka shiekh bashiir Axmed Salaad, wuxuu fahmi karaa inuu towjiihaadkiisu uu ku dhisan yahay cilmi qutadheer, khibrad iyo garaad dheeraada.

  3. Salaamu Calaykum

    alle ha ka abaal mariyo Sheekh Bashiir Ahmed Salaad iyo dhamaan culumada oo dhan waxaan si gaar ah ugu mahadnaqeynaa howlwadeenada Halgan.net waxaana leeyahay JZKH sida aad noogu soo gudbiseen Nadwada.

  4. Salaamu Calaykum

    Dhamaan Culumada Nadwada iyo walaalaha Halgan.net ilaahay ajar ha idinka sii waxaad heysaan howl weyn runtii.wada dacwada iskana daaya kuwa doc ka yeerka ah ee aan islaamka u khidmeyn.

  5. Salaamu Calaykum

    Ilaahay khayr ha idin siiyo walaalaha Halgan.net iyo dhamaan culumada khayrka noo sheegaysa aaaaaaaamiin

  6. Salaamu Calaykum

    Mashalaah Sh Dr Bashiir wuxuu noo soo jeediyey muxaadaro qiimo gal ah ilaahow xifdi isaga iyo culumada kale waxaanse la yaabay ma xishoodaaan kuwii lahaa qabiil bay culumada ictisaam u kala baxeen sow iyaga isla fadhiya oo walaalaha ah subxaanalaah .ilaahay idin soo qabay been badanaaaaaaaaaa wuxu ma cirkey´ka soo dhaceen

    • Asc bare walaal allaaah ku xifdiyo, waxaan kaa dhacay eray aan u arkay gaf, wuxuuna ahaa ( MA CIRKAY KASOO DHACEEN WUXU BEEN BADANAAA) walaal cirka wax run ah ayaa kasoo daga laakiin wax been ah kama soo dagaan, waxaana ufahmay inaad eray kale ula jeeday, ama afku kaa xaday. mahadsanidiin

  7. Salaamu Calaykum

    Ilaahow noo xifdi culumadeena walaahi waan ku indho qabowsanaa markii nadwooyinkaan yimaadaan ilaahay ajar ha ka siiyo howlwadeenda Halgan.net iyo culumadeena

  8. Salaamucalaykum.

    Mashalaah walaalaha Halgan.net ilaahay ha idin wanaajiyo sida aad khayrka ugu taagan tihiin

  9. Bismillaah,

    Waa wax lagu farxo in ilaahay ummadda ka soo saarey culimo xaqqa u cadaynaysa, Dadkna uguna yeedhaysa khayrka, bulsho kastana waxay dhaqantahay inta ay dhex joogto culimadu.

    Dawcwad weeye hanaqaadey oo Daahiroo wacane.
    Dulmi uma adeegtoo Naftay Daawadeed tahaye.
    Dalkii Culimadii Joogtaybaa Daaha kuu furiye.
    Doc ka yeedh ma fiicnoo xaqaa lagu Dawoobaaye.
    Dabicigaagu Yuu noqon inaad Dacar Walaaqdaaye.
    Dufcadii 10 naad baa haddeer Daaalibow timide.
    Dastuurkeenu yuu noqon wuxuu Gaalku daabacaye.
    Darsigiina Qaatoo Cilmiga daalib ku ahaada.

Leave a comment

*