Duruus ku saabsan Manhajka Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wa Sunnah.(Daawo Video)

April 14, 2012 - Written by

Waxaa Shabakadda wararaka ee Halgan.net ay caawa idiin soo gudbinaysa duruus ku saabsan Manhajka Jamaacada Al-ictisaam oo ah urur Islaami ah oo ka jira dalka Soomaaliya iyo dalalka soomaaliya dariska la’ ah  Manhajka Jamaacada Al ictisaam ayaa ah mid ka kooban ilaa 17 xal-qadood oo xalaqaddiiba ay tahay ilaa 30 daqiiqo. Duruustan ayaa waxaa akhrinaya Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ah Amiirka jamaacada Al-ictisaam bil-kitaab wassunnah sheekhu wuxuu sharaxayaa manhajka jamaacada Al-ictisaam oo ka kooban manhajka caqiiqada, manhajka fahamka iyo sida wax loo daliishado ama nusuusta loo fahmo, iyo manhajka dacwada iyo badalitaanka iyo islaaxinta bulshada.

Manhajku Jamaacada Al-ictisaam ayaa waxaa uu ka kooban yahay ilaa 16 baab oo si qawaacid ah u qoran waxaana diyaariyay lajnada cilmiga ah ee jamaacada Al-ictisaam bilkitaab wa sunnah, waxaana loogu talo galay in lagu iftiimiyo oo lagu saxo wax yaabo badan oo saaxada yaalla, si gaar ah wuxuu u khuseeyaa dadka dalabatul cilmiga ah ama ku howlan dacwada iyo faafinta diinta.

Halgan.net ayaa dhamaan idiin soo gudbin doonta dhamaan duruusta oo ka kooban 17 xalaqo hadii alle idmo.

Halkaan ka Daawo Darsigii koowaad ee Manhajka jamaacada al ictisaam bilkitaab wa sunnah

Waxaa diyaariyey lajnada cilmiga ah ee
jamaacada al ictisaam 
bilkitaab
wa sunnah
,Halgan.net

27 Comments so far

Leave a comment

  1. scww
    ku: Muxsin
    walal jzk khayr aad baad umahadsantahay sida wanagsan ee aad iigu soo jawaabtay waliba daliilna aad soo raacisay. walaalow runtii culimadaas khayrka badan wixii ay isku raaceen aniga oo miskiin ah madiidi karo.
    wadankeenana in ay jamaacooyin kajiraan waan ogahay, lakiin dadkeena soomaliyeed hadii ay tacasub qabiil kabadbaadaan, way adagtahay mid jamaaco inay kafakadaan ilaa inuu Alle unaxariistay maahee. Waa arin aan cidna ka qarsoonay inaynan masajida laka leeyahay, lais aaminin, lais quursado, lais caayo liajli jamaacadaas buu katirsanyahay. Sidaas awgeed baa ugu kaliftay inaan kasoo horjeesto Sheekheena Alfathilah Sh. Bashir Xafidahullah inuu jamaaco gaara horjooge unoqdo, anigoo lajecel inuu dhamaantood imaam unoqdo. Gabagabadii, waxaan leenahay Al ictisaam bilkitaab wassuna waa manhaj wanagsan oo ah kii Ahlu-sunna-waljamaca cidii diidana iyadaa is og. laakiin tacasubka halajoojiyo, hadaan lajoojinayna, hala yareeyo.Sida khayrka leh Allaha nawaafajiyo aam……

  2. masha allaah ilahayow natus iftinka manhajka saxda ah oo nagusug raadka sunada nabiga csw nagudil taas oo nagu soo noole aamiin

  3. maashaa allaah fadiilatul waalid DR. bashiir aad baan kuugu mahad celinayaa reer halganna allaha idin barakeeyo jamaacada al ictisaam allaha guuleeyo cadowgoodana allaha jabsho aaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiin

  4. waa injaaz cadiim, runtii waa u quus go’ayn qolyaha ilaahay ku ibtileeyey been abuurka iyo buhtaanka ee jahliga iyo inxiraafku aafeeyey.
    waa xaq cadeyn wakhtigiisii yimi, ilaahay sheekha iyo walaalaha halgan net miisaanka xasanaadkooda hawgu culaysiyo.

  5. A/c maasha alaah ilaahay haka abaal mariyo shiikhunaa dr bashiir axmed salaad ilaahay ha la qabto dadaalkay umada ugu jiraan iyo niyadooda wanaagsan waxaan ilaahay ka rajaynyaa in ilaahay ka yeelo dacwada mid ku baraarugaan dhamaan uma soomaliyeed iyo umada islaamkuba mahad alaaleh waxaan usoo kalomhad u soo jeedinyaa halgan oo ku hawlan gudbin khayraadka waxaan jelaan lhaa isagoo qoraala wa bilaahi tawfiiq

  6. masha alla, waa manhaj cad allaha nawaafajiyo khayrka jidkoo cadaada gaaristiisana waa soo dhawaaneysaa insha allaah dacwada culumadana aan ku garab istaagno si aanana u noqono khayr kalkaal wabilaahi altowfiiq

  7. salaamu calaykum

    Mashalaah ilaahay khayr badan ha siiyo Sheekh Dr Bashiir isaga iyo culumadeena oo dhan waxaana mahad gaara u celiyaan howlwadeenada Halgan.net oo khayrka culumda na soo gaarsiiyey mar kasta

    ilaahay ha xifdiyo dhamaan culumadeena iyo maamulka iyo wariyaasha Halgan.net

  8. Culimada al-ictisaam waa culimadii ummada soomaliyeed wax soo baray jahliga ka soo saaray kuwa hada caayayana waa kuwii ay wax soo bareen waana aragnay runtii dhalinyaro badan oo ay wax soo bareen kuna abal furay culimadii waxaa kale oo is waydin mudan ayaa dadka caqiidad toosan ilaah ka sokow ku toositay oo baadhilki suufiyada iyo qabura galeenka dadka ooga digay? waa culimadaan ictisaan jazaahumu laahu khayran.

  9. Asalamucalaykum waraxmatulahi wabarakatuhu walal pagkaan ad baad u mahadsantihiin sh. bashiir Allah xifdiyo Aamiin walalyal waxan rabaa dad jecel in ay faafiyaan khayrka si ay ikala shaqeeyayan group aan u furay si dadka wacdiga loo kusoo galiyo oo loo bararujiyo groupka cinwaankiisa waa http://www.facebook.com/groups/103631699760426/ http://www.facebook.com/groups/103631699760426/ jazakalahu khayr dhamaan walalaha ehlu khayrka

  10. Salaamu Calaykum

    Mashalaah Dr Sh Bashiir alaha xifdiyo walaalaha Halgan.net waxaa leenahay weldone mashalaaah

  11. Salaamun calaykum
    waxaan jeclahay inaan wax yar tusaaleeyo walaalkay warfaa cali, walaal in jamaaca la samaysto ma aha wax reebban shareecadeenna, muhimaddu waa manhajka iamaacadaas ay ku soconayso, hadii jamaacada manhajkeedu saxanyahay oo uu yahay manhajkii salafka saalixa ah magaca ay samaysanayaan dhib ma keenayo, sheekh saalix al-fawzaan xafidahullaah kutubtiisa waxaan ku haynaa inaysan jamaaco la samaystaa oo magac loo bixiyaa aysan dhib lahayn hadii manhajkeedu saxanyahay, waxaa sidaASOO KALE U CADEEYEY aL- iMAAM iBNU BAAZ raximahullaah, website ka sheekh intaad gashid eeg fataawida laga weydiinayo jamaacaaadka islaamia ah.
    kaliya waxay culimadu diidayaan in jamaacadaada aad si gaar ah ugu tacasubtid oo inta kale ka soka marsatid xitaa haday khalad gasho,sheikh ibnu baaz waxaa la weydiiyey Jamaacaadka islaamiga ahi ma shar ayay umadda u keeneen iyo dhibaato? wuxuuna ku jawaabay maya ee jamaacaadka islaamiga ah waa naxariis, raxariis ayay umada u yihiin ayuu ku jawabay sheekhu raximahullaah.
    waxaa sidaas oo kale u cadaynayo sheekh albaani raximahullaah.
    markaa akhii waa dhab in khilaafku shar yahay laakiin khilaafka waxaa loo eegaa ma mid madmuum ah oo xaaraan ah baa mise waa mid saa’iq ah amaba aan dhib lahayn oo ku dhisan ijtihaad, culimadana ka dhex dhici jiray qadiiman waxadiisan.

  12. maasha alah waa guul alah ku dhameeyo hamiga jaammacad AL.ICTISAAM

  13. ASC WR WB

    Runtii markaan arkay title video aad ayaan u farxay anigoon xitaa dhageysan hadalka sheekha waayo in badan waxaan arkayay xad gudubyo qolo juhaal ah ay kula kaceen jamaaacada Al-ictisaam marka waa arin loo baahnaa in duruus noocaan oo kale eh in dadka la soo gaarsiiyo ilaahayne kheyr ha idin ka siiyo reer halgannet wadada saxda ahne ilaahay hanagu toosiyo.

  14. Asc waxan sheegi lahaa culumada sidii la rabay ayey yeeleen waxayna kudhaqmeen ayaada ‎سلام عليكم لا نبتقي الجا هلين ‏ISLAWEYNINA KAMA AHA wad aragten kuwa culumada uuska kudadinaya ee websityada qora ma aha culumada iney u jawaaban kuwas ayagaba isburinaya shalay ayan websitkooda ka akhriyay ayago leh al ictisam wey iskhilaafsanyihiin laakin wax isla socda ayey u’ egyihin markasuu qoray aayadan ‎تحسبهم جميعا ‏‎ islamarkiba wu isradiyay wuxu yiri al ictisam waxey latukden mahiga waxayna ka qaybqaten shirki garowe waxa u ka hadlayo markasna ee uu siinayo magaca al ictisam waa shaqsi wuxuu leeyahay maadama hal nin oo ictisam ah u sas sameyay damantod wey islaqaban hadana wey iskhilafsanyihin ayuu laha! Marka ma mudno dadkas oo kale in loo jawaabo waxan sheegi oo kali nimankan websiyada qora wa niman amerika iyo yurub jooga taagera al shababna dano ayey ka wataan daacad kama aha alshabab duqi u weyna wadmaqsheen malin hore marka alshabab macaytaman waxaa caytamo waa nimankan diinlawasha ah ee amerika jooga hal nin oo danihisa shaqsi ay kagashay in culmada wax kashego ma ogiye majiro ninshabab ah oo culumada wax ka sheega ma umalyn warbahin islami ah iney ka shaqeyn wagi baryaba cay iyo iskudirka culumada? Kuwas warbahin islami ah ma aha waxan arkay ayago iskudirayo laba wadaad sh.mumin iyo sh.Cabduqaadir Nuur waxey dheheen sh.mumin aya gabay usoo diray sh.Cabduqaadir Nuur wuxuna leeyahay beydhehen mujahidba yimide adiga mesha iskaga carar waana been hadalkas marka nin diin leh oo alle ka baqaya miya mar walbo waxas ka shaqeeya? marka ragan websityada qora wa nimmiyeyal alshababna wey iska bari yeeli doontaa mar dhaw

  15. Waxaan ka maqlay sh.fawsaan sharaxaya ( kitaab sunnah al-barbahaari) inuu yiri inaan la ogeleyn jameecaad in la sameeyo ee loo baahanyahay in lagu dhibo hal manhaj oo ah kii rasuulka. Mida kale amiirkan ay sameysteen xagee ka hawl galayaa. Ma amiir ayaa la sameyn karaa iyadoo uusan ogeyn waliyal amirkii wadankaas. Tusaale ahaan, Sheekh bashiir ma dagana meel aan ku ogahay maanta. Haduu Burco joogo, tusaale ahaa, see u noqon karaa amiir isagoo weliba uu jiro maamul dowlad ah. Waxaasi waa fawdo walaalayaal. Ilaahay ha laga cabsado, arimahana ha loo celiyo ahlul-cilmiga. Walaahi kheyr ka imaan maayo hadaan dib loo sixin khaladaadka. Hadii kale, waxaa uun badanaya cuquubada iyo danbiyada oo wax xal ah la gaari maayo.

  16. waa run in Culumada ugu waa weyn uguna caansan Soomaliya ay ka mid yihiin Xarakada al ictisaam amaba ay isku mabaadi’ yihiin,… Sidaa darteed waxaan jeclaan laheyn iney noo cadeeyaan Manhajkooda wuxuu kaga duwan yahay kan ikhwaanka iyo Salafiyiinta kale??

  17. Walaalow cajaladan oo downloadable ah soo galiya. Jazaakallahu Khayran.

  18. Jazaakumullahu Khayran. Manhajkan mar hore bay ahayd in lacadeeyo. Laakiin hadana aad baan ugu faraxsanahay inaan aragno oo daawano

  19. scww.
    halgan iyo sh.Bashir jzk khayr baan leenahay. Intaa kadib Sheekha waxaa lagu ogaa Dalada culimada somaliyeed ee maxay tahay Jamaacadan uu xayasiinta usamaynayo, soomaaliya jamaaco iyo kooxaysi waa kadaashay ee maxaa inoo diiday inaynu magaceenii Allah noo doortay aynu ku joogno “Muslimiin”. Tankaleeto hadii culimadii ay kooxaysi horboodaan, shacabkiina maxaa lagasugayaa?. Hadaba aniga waxay illatahay inaa fahamka islaamka ee Alkitaab wa Sunah umada muslimka ah gaar ahaan reer somaliya labaro, iyadoon koox gaara loo nisbaynaynin, midkalana loo manasheeganaynin, mid ilduufayna aan laguduraynin. Sidaas baan filayaa inay umadu ku kalabaranayso kan danaystaha ah iyo kan dantooda kashaqaynaya. Hadaan tusale yar idinsiiyo lagasoo bilaabo Nabigeni suubanaa scw, khulafadii iyo dhamaan akhyaartii kadanbaysay ee diintan samawiga ah inasoo gaarsiiyay lagama maqal jamaaco iyo kooxo ay katurjumayaan manhajkooda, ee dantoodu waxay ahayd in dadka mugdiga laga saaro oo nuurka lageeyo, waajibkaas bay guteen waana kay kuliibaaneen ee ilaa hada dhaxalkoodii aynu haysano. Markaa sida lawada garanayo hadii meel kooxaysi iyo jamaacooyin yimaadaan hardan baa ku xiga, kaaga darane kooxkastana sheeganayso Alk wa Sunna. kadibna dagaal iyo danaysi gaara, taasina waa ta soomali maanta halkaas dhigtay. Sidaa darteen waxaan kusoo koobayaa idinkoo iga raali ah in umada xaqa labaro iyodoon kooxna lagatarjumayn, kooxna laduraynin, waayo taasi waxay horseedaysaa inay jamacooyin iyo ururo horle ay samaysmaan oo midkastana ay sheeganayso inataas uu sheekhu kusheegay manhajka jamaacadiisa. scww

  20. Salaamu calaykum

    ilaahay khayr badan ha idin siiyo waxaan mahad leh Rabigii xaqa na fahamsiiyey iyo tawxiidka ayna sabab u ahaayeen culumadeena.

  21. Salaamu Calaykum
    Halgan.net fadlan ma soo galin kartaan Manhajka oo PDF ah si dadkeena caamada aan uga faa,ideysano idinkoo mahadsan .si gaar ah waxaan ugu mahad celinayaa Maamulka Halgan.net oo ah webka aan mar walba ka helno kheyrka.

  22. Salaamu Calaykum

    Plz noo soo gudbiya Duruusta oo dhan waxaan ku talin lahaa in la daabaco si aan u akhrisano .

  23. salaamu Calaykum

    Walaahi Halgan.net iyo maamulkooda waxay mudan yihiin in loo duceeyo waxay u taagan yihiin mar kasta iftiiminta manhajka saxda ah.maanta saaxada raba in ay qasbadaan dad aan la aqoon oo raba in umada culumo u noqdaan balse waa ku fashilmeen wax raacana waa waayeen ilaahay mahadiiis Alahu Akbar.Shukran Maamulka Halgan.net

  24. Salaamu Calaykum

    Mashalaah ilaahay ha idin ka abaal mariyo Halgan.net waa loo baahnaa in la cadeeyo Manhajka Ictisaam Ex Al-Itxaad sida burcada internetka ka qowleysata ay umada u fahmaan Mashalaah ilaahay ha barakeeyo Sh Bahiir Ahmed Salaad

  25. Acw:Jusiitum khayran.Khayr badan Alle haydinku abaal mariyo shiikh bashiir iyo kooxda halgan.net ee u taagan fidinta dacwada iyo difaacida Culimada intaba illaahayna haydinku abaal mariyo Janooyinkiisa waaweyn,jahanamana haydinkaga badbaadiyo.(Aamiin)
    Waxaan isleeyahay walaalayaal wax badan ayaa inaga khaldamay oo aan u baahanahay inaan saxano,waajibaadka ugu horeeyaana wuxuu ku dhacayaa culimada iyo dadka wax garadka ah ee fahmaya waxa khalday sixitaankiisa markaa waxaan leeyahay waa ilaahay mahadii hadii culimadu ku baraarugeen arintaas,waxaana isleeyahay hadii si qurux badan dadka loogu cadeeyo manhajka saxda ah iyadoo aan cidna lagu xad gubaynin waxna laga sheegayn,lana cadaynayo waxyaalaha inaga khaldamay waxaan rajaynaa inay dad badan wadadu u cadaato ilaahayna ku sugo wadada xaqa ah (Aamiin). Waxaan dar daarmayaa culimadu inaysan ka daalin tawjihaadka iyo wax sheegista shacabka iyo dhalin yarada intaba ,qolo kastana loo cadeeyo waxa ka khaldan ciday doonaanba ha ahaadeene.waxaan Alle inoo weydiinayaa inuu xaqa inagu sugo dhamaanteen umada soomaaliyeedna diintooda u soo celiyo celin wanaagsan cadawga iyo dhibka haystana ka dulqaado,quluubtoodana mideeyo,ummad midaysan ayaa wax iska dhicin karta cadawgweedana ka adkaan karta sharafteedana soo ceshan karta.

    Wabillaahi Atawfiiq Akhuukum fillaah Alle dartii idiin jecel.

Leave a comment

*