Iska horimaad dhexmaray ilaalada Tarsan iyo gudoomiyaha Degmada C/casiis
April 12, 2012 - Written byMuqdisho:-Iska horimaad ayaa waxaa uu Degnmada C/casiis ee gobalka Banaadir ku dhexmaray ilaalada gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo gudoomiyaha Degmada C/casiis iska horimaadka ayaa waxaa uu bilaawday markii muran uu soo kala dhexgalay Taran iyo Gudoomiyaha Degmada C/casiis .
Iska horimaadka ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 qof oo isugu jira ilaalada labada Gudoomiye iyo dad rayid ah oo banaanbax dhigayey kuwaas oo diidanaa in xilka laga qaado Gudoomiyaha Degmada C/casiis Yuusuf Cali Xasan
Degmada C/casiis ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax rabshada wata oo looga soo horjeedo gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan .
Guddoomiyaha degmada C/casiis Yuusuf Cali Xasan ayaa waxaa lagu eedeeyey musuq-maasuq waxaana cabasho ka soo gudbiyey qaar ka mid ah golaha Degmada C/casiis.
Guddoomiyaha degmada C/casiis ayaa iska horimaadka ka dib waxaa uu shirja,raaid ku qabtay xarunta Degmada C/casiiis waxaana uu sheegay in saaka ay duulaan ku soo qaadeen ciidamo uu wato Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan .
Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaan ka hadli ilaa haatan iska horimaadka dhexmaray ciidamado ilaalo u ah iyo kuwa Gudoomiyaha Degmada C/casiis.
A/Cawale
Halgan.net