Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray xarunta CID-da ee Puntlland
April 3, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa maanta xariga looga jaray magaalada Garoowe xarun cusub oo ay yeelan doonto laanta danbi baarita ee Ciidanka CID ee dowllada Puntlland xaruntaan oo maanta uu xariga ka jaray madaxwey naha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxaam Faroole ayaa waxaa dhismaheeda iyo qalabeynteeda ka qayb qaatay Hay,adda UNDP ee ka howl gasha degaanada Puntlland.
Xaflada ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxweynaha Puntland, Dr.Cabdiraxmaan Faroole Madaxweyne ku-xigeenka Puntlland Gen Cabdi samad Cali Shire , wasiir ku-xigeenka amniga, Cabdirisaaq Xareed saraakiisha ciidanka Booliska iyo madax ka socotey hay’adda UNDP iyo xubno ka tirsan 2 gole ee Puntlland.
no images were found
Xaflada xaraga looga jaray xaruntaan cusub ee laanta danbi baarista Ciidanka CID ayaa waxaa saxaafada uga waramay wasiir ku-xigeenka amniga Cabdirisaaq Xareed isagoo mahad gaar ah u jeediyey howl wadeenada Hay,adda UNDP ee dhismahaan cusub hirgeliyey. Wasiirka ayaa waxaa kale oo uu mahad gaar ah u jeediyey Saraakiil ka tirsan Dowllada Jabuuti oo ugu deeqday Puntlland in ay ka saacidaan dhinac tababarka ciidanka CID iyo Taraafikada arrinkaas oo uu yiri waxaa lahaa hirgelinteeda kana soo shaqeeyey Madaxweynaha Puntlland iyo Wasiirka Amniga Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan.
M_M_Deeq
Halgan.net