Madaxweynaha Soomaaliland oo magacaabay gudi wadahadal la gali doona DFKM
April 8, 2012 - Written byHargeysa:-Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa maanata waxaa uu si rasmi ah u magacaabay guddi ka kooban 5-xubnood oo wasiiro ah kuwaasi oo wada hadal la gala DFKM taas oo uu madax ka yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed .
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa magacaabay Gudigan ka dib markii ay dowladiisa ka soo qeyb gashay shirkii wadatshiga Soomaaliya ee dhawaan lagu qabtay magaalada London ee Britain oo ay marti galisay dawladda Britain.
War-saxaafaddeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynah Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa waxaa lagu sheegay magacyada wasiirda wadahadalka la gali doona dowlada TFG waxayna kala yihiin wasiiradaas.
1. Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Caabdullaahi Cumar
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)
3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade
4. Wasiirka Cadaallada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid
5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweynah Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa waxaa lagu xusay in wadahadlka uu ka furmi doono magaalada London waloow aan la sheegin wakhtiga uu bilaabanayo.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net