Madaxweyne Shariif oo kulan la qaatay saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFKM
April 9, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa maanta mar kale kulan la qaatay saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM kuwaas oo howlgalo ka wada magaalada Muqdisho .Madaxweynaha DFKM ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo amaanka guud ee magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan dilal qorsheysan oo ay ka fuliyaan Ururka al-Shabaab.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sh ahmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Raisulwasaaraha DFKM Cabdiweli Maxamed Gaas ,wasiirka G/dhiga Xuseen Carab Ciise,wasiirka arimaha gudaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ,Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Tarsan iyo saraakiil sare oo ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM.
Madaxweynaha DFKM ayaa markii uu soo idlaaday kulanka ka dib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in u jeedada kulanka uu ahaa in la dhameystiro howgalada lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM
Saraakiisha ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa ku fashilay laba mar oo ay duulaan ku qaadeen Degmada Dayniile ee gobalka Banaadir halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Ururka Al-Shabaab .
Ciidanka al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku haya xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM waxaaana ay khaarajiyeen rag ay ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin ciidamada nabad sugida ee DFKM.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net