Maxkamadda darajada 1aad ee Boosaaso oo xukunno kala duwan ku ridday rag lagu eedeeyay Al-shabaab

April 14, 2012 - Written by

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in maanta Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ay xukunno kala duwan ku ridday rag lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka al-Shabaab, kuwaas oo ay ciidamada amaanka  ku soo qabteen howlgalo ay sameeyeen.

Waxaa saaka la keenya Maxkamada darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso 9 eedeysane kuwaas oo ay maxakamada ku eedeysay in ay dilal iyo qaraxyo ka fuliyeen magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo sida uu warbaahinta u sheegay xukunka ka dib Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari Sheekh Aadan Aw-Axmed .

Maxkamadda ayaa xukun dil ah ku xukuntay 4 ka mid raggaas, halka 3 kalena lagu xukumay xukun xabsi ah oo gaaraya 10 sano, waxaa sidoo kale ay maxkamada labo sano oo xabsi ah ku xukuntay 2 qof oo kale .

Guddoomiyaha maxkamadd darajada koowaad ee Boosaaso Sheekh Aadan Aw-Axmed ayaa sheegay in raga la xukumay ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab wuxuuna sheegay in xukunka ay ka qaadan karaan racfaaan.

Ilaa haatan ma jiraan cid madax banaan oo xaqiijin karta marka laga reebo Maamulka Puntland in raga la xukumay ay kuligood ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.Ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa sameeyey howlgalo balaaran ka dib dilkii alaha u naxariistee Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan iyaga oo markii danbe gacanta ku dhigay 12qof oo lagu tuhunsan yahay in ay soo maleegeen dilka Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan waloow aan wili kuwaas maxakamad la keenin.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online