Raiisul wasaaraha DFKM Prof Gaas oo ka hadlay qaraxii lagu khaarajin lahaa
April 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Raiisul wasaaraha DFKM Prof Cabdieli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu shir jaraa’id oo ku qabtay dhawaan magaalada Muqdisho uu uga waramay qarax maanta ka dhacay Tiyaatarka xili ay ka socotay xaflada lagu maamuusay Sanad guuradii ka soo waregtay TV-ga STN , Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa waxaa uu tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay qarax waxaan uu ku tilmaamay falkii qarax mid waxashnimo ah oo dad rayid ah lagu xasuuqay isagaa sheegay in xubno ka mid ah DFKM aysan ku dhiman qarax waa sida uu hadlka u dhigaye.
Ra’iisul wasaaraha DFKM Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku nuuxnuuxsaday in falka qarax uu yahay mid ay fuliyeen ururka Al-shabaab iyagoo markii looga adkaaday goobaha dagaalka uu ka socdo waa siduu hadlka u yiriye ay falal is qarxin ay ay la beegsanayaan goobaha dadka rayid ah ay ku sugan yihiin.
Falka Qarax ee maanta ka dhacay Tiyaatarka ayaa waxaa uu marag ma doonto u yahay in sirdoonka xoogagga Al-shabaab ay ku guulaysteen in ay ciidanka nabadgelyada ee DFKM kaga adkaadeen dhinac xog aruurinta iyo wardoonka taas oo sababtay maanta in masuuliyiinta ugu saraysay DFKM gaar ahaa Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof Gaas iyo qaar ka mid ah Golahiisa Wasiiradu ay ka badbaadaan isku day lagu khaarajin lahaa.
Dhinac kale masuuliyiinta ururka Al-shabaab ayaa iyagu sheegtay in ay ka danbeeyeen falkii qarax ahaa ee ka dhacay Golaha Tiyaatarka xili ay ka socotay Xaflada loogu dabaal degayey sanadguuradii ka soo wareegtay markii la aasaasat TV.STN ee ku hadla afka DFKM, warka sheegashada qarax ee ururka Al-shabaab dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa isaoo faahfaahsan haddii alle idmo.
A/cawaale
Halgan.net

.gif)

