Raisulwasaaraha DFKM oo maanta kormeeray goobo la dajinayo odayaasha dhaqanka

April 30, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaana Ra’iisul Wasaaraha kormeerkiisa ku wehlinayay qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii kale ee la socday Waxay warbixin ka dhageysteen gudigii loo xilsaaray soo dhaweynta Odoyaasha Dhaqanka kuwaa oo soo xuli doono gudigii ansixin lahaa Dastuurka Cusub ee Qabyo-Qoraalka dalka.

Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixino ka dhageystay gudi iyagana loo xilsaaray iney sugaan amaanka goobta oo ay ka mid yihiin Ciidamada NabadSugidda Qaranka,Kuwa AMISOM iyo hay’adaha kale ee dowladda kala shaqeeya Amaanka, Iyagoona Sheegay in goobta ay tahay mid amaankeeda uu aad u sareeyo laguna kalsoon yahay islamarkaana ay il-gooni ah ku eegi doonaan amaanka goobta ayna si wada jir ah isaga kaashanayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya.

no images were found

Warbixinta kadib ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnihii la socday soo kormeereen goobtii loogu talagayay Odayasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed in la dajiyo, Isagoona Ra’iisul Wasaaruhu mid mid u galay qolalkii loogu talagalay Odayaasha Dhaqanka, kuwaa oo gaaray 135 Odey Dhaqameyd oo ka kala imaanaya gobalada dalka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa la filayaa horaanta bishaan soo socota iney soo xulaan Ergadii ansixin laheyd Dastuurka Cusub ee Qaybo-Qoraalka dalka.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa u mahadceliyay gudigii isku xilsaaray soo dhaweynta Odayaasha Dhaqanka iyo waliba kuwa sugaya amaanka goobta loogu talagalay in la dajiyo Odayaasha Dhaqanka.

– DHAMAAD –

 

Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
Deputy of Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online