Sagaal qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka oo Muqdisho la keenay
April 16, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha ee Aden Cade Sagaal qof oo Soomaali ah kuwaas oo laga soo musaafiriyey dalka Mareykanka iyada oo ku galay dalkaas si dharci daro ah sida ay sheegeen laamaha socdaalka ee dalka Mareykanka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee DFKM C/samad Macalin Maxamuud oo la hadlaayay warbaahinta saaka ayaa sheegay in sagaalka qof ee la keenay maanta magaalada Muqdisho ay taransid ku sooo mareen dalka Kenya halkaaas oo ay keeneen saraakiil Mareykan ah oo ka socda laanta socdaalka ee dalkaas.
Ciidanka Nabad sugida ee DFKM ayaa su,aalo dhowr ah weydiiyey sagaalka qof ee saaka tarxiilka lagu keenay magaalada Muqdisho waxaana ay siidaayeen dhowr saacadood ka dib.
Sagaalka qof ee laga soo musaafiriyey dalka Mareykanka ayaa waxaa kagu eedeeyey in ay si sharci daro ah ku galeen dalka Mareykanka.
A/Cawale
Halgan.net