Taliska Ciidammada DFKM oo sheegay in ay qabteen nin watay walxaha qarxa.

April 7, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada DFKM ay maanta u soo bandhigeen saxaafada nin ay sheegeen in uu watay Jaakad walxaha qarxa lagu soo rakibay taas oo lagu khaarajin lahaa Abaanduulaha Ciidammada xoogga ee DFKM General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) .

Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa looga yeeray xaruna Taliska Villa Baydhabo halkaas oo xarun u ah ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM waxaana halkaas kula hadlay Abaanduulaha Ciidammada xoogga ee DFKM General  Cabdi Kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) isaga oo sheegay in ay fashiliyeen fal lagu dili lahaa madax sare oo ka tirsan DFKM .

Jen Dhagabadan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la soo xiriireen darawalkiisa ayna u balan qaadeen in ay siin doonaan lacag gaareysa 20,000$ hadii uu seddex Jaakadood oo lagu rakibay walxaha qarxa uu geeyo xafiiska Jen Dhagabadan.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee DFKM  Maxamuud Macalin Nuur ayaa goobta ka hadlay waxaana uu mahad u celiyey ciidamadii fashiliyey falka lagu khaarajin lahaa saraakiil sare oo ka tirsan DFKM wuxuuna ugu baaaqay madaxda iyo saraakiisha DFKM in ay foojignaadaan.

Waa markii sadexaad oo uu isku day dil ka badbaadayo Abaanduulaha Ciidammada xoogga ee DFKM General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida G/Sarre Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab) wuxuuna sheegay in xukun lagu ridi doono ninka watay Jaakad walxaha qarxa lagusoo rakibay .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online