Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo socdaal ku tagay Dhuudo iyo Bandar-beyla
April 7, 2012 - Written byQardho:-Wasiirka amniga Puntland G/sare Khaliif Ciise Mudan ayaa socdaal ku tagay maanta deegaanno dhaca xeebeedka fog ee gobolka Bari gaar ahaan Dhuudo iyo Bandar-beyla waxaana socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Puntland .
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga ayaa kulamo gooni gooni ah waxaa uu la yeeshay nabadoonada iyo waxgaradka Dhuudo iyo Bandar-beyla waxayna ka wada hadleen horumrinta deegaanda iyo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta dowlada iyo dadweynaha deegaanada xeebeedka fog ee gobolka Bari .
Wasiirka amniga Puntland G/sare Khaliif Ciise Mudan ayaa khudbad kooban ka jeedshay kulanka dhexmaray waxgaradka iyo odayaasha deegaanno Dhuudo iyo Bandar-beyla ee gobalka bari ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Booliska iyo daraawiishta la keeni doono Dhuudo iyo Bandar-beyla dib u habeyna lagu sameyn doono xarumaha Booliska.
Wasiirka amniga ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya taliyaha ciidanka Booliska ee Puntland Col.Maxamed Saciid Jaqanaf,taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Col.Muxuyadiin iyo saraakiil kale.
M_M Deeq
Halgan.net