Wasiirka warfaafinta DFKM oo ka jawaabay eedeyn loo soo jeediyey wasaaradda warfaafinta
April 9, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya wasiirka warfaafinta DFKM C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn, Wasiirka warfaafinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu safar shaqo uu ku joogay dalka Jabuuti waxaan maanta uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta DFKM C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa maanta markii uu dib ugu laab tay magalada Muqdisho waxaa uu warfidiyeenada u sheegay in wasaaradiisu ay laamaha amaanka ee nabadsugida iyo kuwa Boolis ka ay gaarsiiyeen Xafladii ka dhacday Golaha Tiyaatarka.
Hadalka ka soo yeeray Wasiirka wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta DFKM C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa waxaa uu ka jawaabayey eedeyn wasaaradda warfaafinta uu u soo jeediyey Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuna eedeeyey in wasaaradda warfaafintu aysan xiriir iyo wargelin laamaha kale duwan ee nabadsugida inta aysan xaflad lagu qaban Golahii Tiyaatarka.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta DFKM C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa xusay in wasaarad diisu ay bil ka hor ay sameeyey gudi gaar ah oo soo qaban qaabiya xafladii ka dhacday Golaha Tiyaatarka ayna xiriir la sameeyeen laamaha amaanka ee DFKM balse ay hadda ka war dhowrayaan baaritaanka ay wadaan gudi wasiiro ah oo ka tirsan DFKM.
A/cawaale
Halgan.net