Burburinta Buulka Caarada. W/Q: Maxamed Nuur Shire.

July 17, 2012 - Written by

Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ‘ahaato nabigeena dushiisa (SCW).Horudhac :-Inta aanan u guda gelin qormadaan Burburinta Buulka Caarada, waxaan in yar ka bidhaaminayaa cinwaanka qormada:Buul-Caaro, wax guri laga dhigto  isagaa u liita, maxaa yeelay, Qoraxda, Dhaxan, Roob iyo Cadow midna kaama difaaci karo. “Haddii Buulka Caaradu sidaas u liito maxaa loo burburinayaa, maa Aayar la xaaqo” ? waa su’aal maskaxda Aqristaha Maqaalkan ku soo dhici karta. jawaabta su’aashaas oo  ay sheeko la socotana iga hoo.

Nin baa ka shakiyey in uu Bahal liqay. ninkii Bahalka liqay waxkasta ayuu sameeyey oo ay ku jirto inuu iska mantajiyo laakiin Bahalkii uu mooday inuu liqay  waa ka soo noqon waayey calooshiisa. Xanuun shaki ku salaysan ayaa ninkii ku dhacay. Marba markii ka dambaysay waa sii itaal darreeyey ilaa uu hawlgabay, ugu dambayntiina Awr guradiis ayaa  lagu qaadi jiray marka la guurayo.

Muddo markay arrintu sidaas ahayd ayaa maalin maalmaha ka mid ah ninkii xanuunsayey oo ardaa jiifa waxa u yimi nin safar ah. Markay iswareysteen ayaa ninkii safarka ahaa yiri “Aniga ayaa xanuunka dawadiisa aqaan  ee ha la ii keeno caano geel oo dhay lis ah iyo caleenta geedka jaleelada”. Makhrib markay noqotay ayaa ninkii safarka ahaa dab shiday oo digsi loo keenay ku kariyey caleentii geedka. Markay in door ah ay kartay ayuu biyihii oo uu ka miiray caleentii intuu ku daray caanihii dhayda ahaa cabsiiyey ninkii xanuunsanayey. Mantag  ayaa soo dhaafay ninkii xanuunsa nayey. Markuu in badan mantagay ayuu ninkii safarka ahaa ku yiri ninkii xanuunsanayey ” halkan bal eeg; waxaan aad mantagtay waa maxay?” Ninkii xanuunsanayey baa eegay mise waa Bahalkii uu moodayey inuu liqay oo  ku dhex jira mantag gii. Markaas ayuu weydiiyey ” oo ma anigaa Bahalkan  mantagay?” Ninkii kale ayaa ugu jawaabay ” haa”.Maalintaas ayaa xanuunkii ugu dambaysay ninkii. hadde ogow, ninka waxa uu Mantagay waa caleenta geedkii la cabsiiyey, balse wixii uu aaminsanaa ayaa la rabay in loo raaco, si shakiga uga baxo.

Waxaan Sheekadan uga gol leeyahay, waxaa jira nin guri ka dhigtay Buul -Caaro, ninka magaciisa qormadan in badan buu ku soo noq-noqon doonaa. ninku  isagu ma aaminsana inuu Buul- Caaro u dhisan yahay. wuxuu aaminsan yahay in Daar weyn oo shub ah ay u dhisan tahay, marka si aan ugu muujino inuu guri khatar ah deggen yahay  ayaan u jileynaa malihiisa, si uusan isu-weydiinin ” maxaa qoraagu isugu kalifay burburinta Buulka Caaro”. sidaas daraaddeedna awoodda aan ku burburinayo Buulkiisa,  waan cayiliyey, si’  isaga ” C/waaxid ah” loogu qancinayo in waxa uu dhistay uu  Buul-Caaro ka weyn yahay.

Waxaa laga yaabaa isu-ekeysiinta sheekada iyo qormada inaan adkeeyey, balse waxaan hubaa inaad si wanaagsan iila socon doontid, inta aan qormadan daadaheynayo. marka hore aan ku baro  Ninkii aan magaciisa horey kaaga qariyey,  waxaa la yiraahdaa C/waaxid C/laahi Khaliif, waana nin wax ku qora baraha internetka, isaga ayaana ugu talagalay qormadaan inaan kaga daba tago qormooyinkiisa, gadaal ayaan ka faahfaahin doonaa waxyaabaha aan ku haysto.

C/waaxid C/laahi Khaliif. wuxuu wax ku qoraa baraha interner ka qaarkood qoraaladiisa iyo hadaladiisa uu warbaahinta ka jeediyo, waxa uu had iyo jeer ku duraa Culimada Jamaacada Ictisaam, iyo kuwa kale oo isagu u maleeyo inay Jamaacada ka tirsan yihiin, balse aan ka tirsaneyn, laakiin isku wax uu ku haysto. haba duree, waxyaabaha uu ku durayo ee uu cuskanayo kama awood badna Buul-Caaro haddii ayanba ka awood liidanin, balse isaga waxa ay ula ekaatay inuu wax badan oo xikmad iyo cilmi ah uu u soo bandhigayo inta uu fariimaha uu dirayo. Hadii ay sidaasi tahayna waxaan ka fursan waayey ” Qoraha Maqaalkan” inaan iftiimiyo in waxa uu walaalku cuskanayo inayan cago-adag ku taagneyn. waxaan filayaa inaan hadda si fiican isula socono.

Qofka in arrin  uu wax weyn u maleeyo laga kala daadiyo, way uga xanuun badan tahay  in wax sahlan oo uu karkaran karo  laga kala daadiyo. taasoo jirta, ayaa haddana qofka kale ee wax naqdinaya ay macno badan u sameyneysaa inuu waqti iyo maskax badan geliyo waxa uu wax ku naqdinayo. halkaan haddii aan iftiimiyana, waxaan ka wadaa aniga ” wax naqdinaya” iyo C/waaxid ” kan la naqdi nayo”  waxaa noo fiican in waxa uu dhistay anna aan daba socdo ay yihiin wax weyn, si’ isagana nin wax weyn lagu naqdinayo uu ugu ekaado, anna aan xanuun u-dareensiiyo ileen waxaan u soo tafa-xeytay inaan meel saaree..

Intaas haddaan Horudhaca ku gaabiyo. Qormadan waxaa laga yaabaa in dadka qaarkii ay la dheeraato, balse waxaan isku dayayaa inaan wax badan soo uruuriyo, si aad wax qorxoon u dhadhansato, isla markaasna aadaan u daalin.haddiise aad gudaha qormadan kala kulanto wax ka macno yar wixii aad iga fileysay, raali gelin ayaan diyaar la ahay..

Intaas ka dib.

Waxaan in badan la socday qoraalada, C/waaxid C/laahi Khaliif, oo ka mid ah dadka shabakadaha warbaahinta wax ku qora, isla markaasna si aan kala har laheyn wax uga sheega inta badan  Culimada Soomaaliyeed,  waxaana ay taasi igu kaliftay inaan qoraal uga jawaabo xadgudubyada faraha badan ee qoraaladiisa ku jira.

Ugu horeyn C/waaxid waxa uu Culimada Soomaaliyeed ee uu wax ka sheegooda caadada ka dhigtay ku dhaleeceeyaa arrimo inta badan Muslimiintu ay ku khasban yihiin, isaga wax ku  dheeceynayana uu ku sugan yahay waxyaabaha uu dadka ka soo horjeeda uu ku maago.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “ Maroodigu Takarta saaran dushiisa ma arkee, waxa uu arkaa midda saaran Maroodiga  kale”  waxaan taas ula jeedaa: C/waaxid waxa uu inta badan Culimada uu maaggan yahay ku eedeeyaa waxyaabo isaga uusan ka marneyn, waxaana caqligu keenayaa in qofi uusan cid kale ku eedeynin arimo isaga uu ku sugan yahay, waxaana ka mid ah:

1- In Culimada Ictisaam ay weerar joogta ah ku hayaan Al-shabaab.

2- In la tuhmi karo sida dalalka Gaalada ayan cadaadiska u saareyn, isla markaasna ay nabadda ugu dhex joogaan dalalka aan Muslimka aheyn.

3- In Culimada Ictisaam  ay hoos joogaan maamulo gaalo ah.

Haddaba sidaas C/waaxid amuurahaasi u dhigay wax ma u jiraan?

Qodobka koowaad ee ah midka C/waaxid duulaanka ugu yahay Culimada uu maaggan yahay, ayaa sida qoraagu u fahansan yahay, ama uu u soo bandhigo aan aheyn, waxaana taas caddeynteedu tahay:

B- Culimada markii ugu horeysay waxay ka hadleen khaladaad diini ah oo jira, waxayna khaladaadkaas uga hadleen si guud, iyagoon farta ku fiiqin xarakada Al-Shabaab ee uu C/waaxid sida indho la’aanta ah u taageero, sida isaguba uu qirsan yahay, aadna qeybaha dambe ku  arki doontaan.

T- Cidda Culimada weerarka afka iyo midka addinka ah ku qaaddayba waa kooxo Af, qoraal iyo Gacan  ku-dhiiglayaal ah oo uu C/waaxid labada hore “ Af iyo Qoraal ku-dhiigle” ka mid yahay.

J- Hadday Culimadu afka ka hadleen, waxaa loogu jawaabay aflagaaddo, tuhmid,  iyo dhaleeceyn xad-dhaaf ah, qaarkoodna ifka ayaaba la dhaafiyey oo waa la dilay, taasna waa mid aniga “ qoraha maqaalkan” iyo adiga “ aqriyaha maqaalkan” aan wada garaneyno, waa haddii aan si miyir leh wax u ‘eegno.

Anoo weli dhex mushaaxaya ka jawaabidda qodobka koowaad, aan bal eegno isagu “ C/waaxid” qodobkaas halkee ka joogaa?

Maadaama C/waaxid uusan isagu is arkin, inta xamaasadeysanna ay la il-daran yihiin cudurka “ Tacasubka” ayaa waxaan ku haynaa inuu dhex fadhiyo qodobkaas uu Culimada Ictisaam ku maago, baal aan eegno:

1- Culimada waxay ku jiraan Dhinaca  Dacwada oo ah Camalka ugu muhiimsan ee Nabiga SCW looga dayday. camalada kale oo dhanna waxay hoos imaanayaan midka ay Culimadu ku howlan yihiin ee faafinta Diinta.

2- Haddii xaal saas yahay, isaga “ C/waaxid” wuxuu qoraaladiisa iyo hadaladiisa mar walba ku weeraraa culimada.

Haddiiba aan ogolaano in Culimadu, ay  Al-Shabaab  weerar ku yihiin, isagu ma ceeb ka saliim baa? Mase wax kaleba kama hadlo aan ka aheyn weerar qoraal iyo af ah oo uu ku hayo Culimada?. Waxaan filayaa in qodobkaas cidda ugu horeysa ee uu qabsanayo ay isaga iyo inta la halmaasha ay yihiin. Kaas xagga u tuur.

Qodobka labaad.

Wuxuu in badan C/waaxid, Culimada uu maagayo ku dhaleeceeyaa in dowladaha waddamada gaalada ayan col la aheyn Culimada Ictisaam, iyadoo muslimiin kale gaalada uu dagaal kala dhexceeyo, meeshii lagu arkana la ceyrsado, isaga oo is-ilowsan wuxuu in badan ku soo celceliyaa, inay taasi tuhmo keeneyso, maadaama la rabay in muslimiinta oo dhan isku si’ loo ugaarsado. ”Oo waa yaabee amuuro aan lagula aaminsaneyn sidee laguula wadayaa”? .

Waxaa is-weydiin mudan arintani Shareecada sal maku leedahay, taariikhda Muslimiintase masoo martay?

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli, allaha xifdiyee, ayaa hadda ka hor waxaa la weydiiyey su’aal ka hadleysa mowduucan, wuxuuna ka bixiyey Jawaab faahfaahsan, una dhigneyd sidan:

S2- Sheikh Iyadoo dowladi qeyb ka mid ah Muslimiinta ay meel kale kula dagaalameyso, qolo kale oo Muslimiin ah heshiis mala ahaan karaan?.

Jawaab:

Waxaan ku tilmaannay bayaankaayagii inay taasi banaan tahay hadday muslimiinta maslaxad ugu jirto, daliilo saddex ahna waan tilmaanay, waxayna  ahaayeen:

1-      Quraanka oo ku sheegay aayadda 72 ee suuratul Anfaal oo micnaheedu yahay:

“ Haddii ay muslimiin idin waydiistaan gargaar iyo hiilo aad uga hiilisaan gaalo ay is dagaalayaan diin darteed waxaa waajib idinku ah inaad u hiilisaan ama u gargaartaan, waase haddii aanay jirin heshiis iyo ballan nabadeed oo idinka dhaxeeysa idinka iyo gaaladaas “.

Waxaa halkaas ka cad in ay iska hor yimaadeen laba arimood oo kala ah:

.         Ballantii heshiis ee gaaladaas iyo muslimiintaas gargaarka laga dalbaday dhex tiilay oo keenaysa in aanay gurmad iyo hiilo samayn.

.         Waajibka ah in muslimiinta loola dagaalamayo diin darteed loo hiiliyo gaar ahaan hadday  u baahdaan ama soo dalbadaan.

Waxay aayadani mudnaanta siisay ilaalinta ballanta heshiiska oo ah in aadan u hiilin adigoo ilaalinaya ballantii nabadda ee aad la gashay gaalada.

2-      Qisadii Abuu basiir iyo reer Makka ee uu Bukhaari ku soo saaray saxiixiisa:

Qisadaas oo ahayd in nabigu scw la galay heshiis nabadeed reer Makka, heshiiskaas oo ka dhacay  Xudeybiyah, kuna heshiiyeen inay nabad ahaadaan 10 sano oo joojiyaan dagaalka u dhaxeeya.

Waxaa kamid ahaa heshiiska in qofkii reer Makka ah ee soo islaama, una soo carara dhinaca Madiina iyo nabiga scw dib loogu soo celiyo reer Makka.

Waxaa soo cararay Abuu Basiir oo ahaa muslim, waxaana laga soo daba diray laba nin oo soo celiya, Nabiguna scw waa aqbalay celintii oo wuu u dhiibay.

Waxaa dhexda kasoo baxsaday Abuu Basiir oo labadii nin midkood dilay, waxuuna u yimid Nabiga scw oo uu ku yidhi ” Allah anigana waa iga soo badbaadiyay celintii, adiguna waad fulisay ballantii “.

Nabiga scw wuxuu kula hadlay Abuu Basiir erayo uu ka fahmay laba arimood:

1aad: In la celin doono haddii uu sii joogo.

2aad: In ay u furantahay inuu duurka galo oo reer Makka la dagaalamo, waxii dad ah ee uu heli karana halkaas ku aruursado.

Abuu Basiir wuu ka baxay Madiina, reer Makkana dagaal dhuumaalaysi ah ayuu la galay, rag bandanna waa helay ilaa ay usoo dacwoodeen reer Makka Nabiga scw oo ay ka dalbadeen inuu raggaas ka qabto, kana tanaasuleen soo celintooda.

Haddaba waxaad aragtaa in Abuu Basiir iyo Muslimiintii la socotay colaad iyo dagaal kala dhaxeeyo reer Makka, Nabiga scw iyo muslimiintii kalena heshiis kula jiraan reer Makka, Nabigu-na scw wuxuu ilaalinayay ballantii heshiika ee dhex martay reer Makka, Abuu basiir-na wax heshiis ah kama dhexayn reer Makka.

3-      Qisadii Xudeyfa iyo Aabihiis ee uu  Muslim ku soo saaray Saxiixiisa:

Waxay ahayd qisadan waqtigii ay taagnayd xiisaddii dagaal ee Badar, waxaana duulaan soo ahaa reer Makka oo guluf colaadeed soo qaaday, waxay dhexda ku qabteen Xudeyfa bin Yamaan iyo aabihiis oo ahaa muslimiin soo hijrootay.

Waxay reer Makka ku tuhmeen Xudeyfa iyo aabihiis inay u socdaan muslimiinta, iyana waa inkireen oo waxay sheegteen inay Madina u socdaan.

Waxaa heshiis lagula galay Xudeyfa iyo aabihiis in lasii daayo, ayaguna aanay dagaalka la soo safanin Nabiga scw.

Waxay Xudeyfa iyo aabihiis u yimaadeen nabiga scw kahor dagaalkii Badar, waxayna u sheegeen sida wax u dhaceen iyo heshiiskii lagu soo daayay.

Nabigu scw ma dhihin iska daaya warkooda oo dagaalka dhinac ka gala, ugumana qiil bixin inay ahaayeen Mukrahiin, ee waxa uu yidhi:” Waan u oofinaynaa ballantooda, Allaah ayaana u kaalmaysanaynaa ” sidaasna waxaa dagaalka kaga hadhay Xudeyfa iyo aabihiis.

Waxay qisadanna ku cadahay in ay Xudeyfa iyo aabihiisna reer Makka heshiis nabadeed kula jireen, Nabiga scw iyo muslimiinta kalena dagaal ka dhaxeeyay waliba gaaladuna duulaan soo qaaday, xiisadda dagaalkuna taagnayd.

Waxaan rajeynayaa inay intaasi ku filan tahay jawaabta su’aashan aad I waydiiseen.

Intaas waxaa ku eg  jawaabtii Sh. Shibili.

Haddaba haddii aan sidaas isla fahannay, waxaad u baahan tahay in la isugu kaa xiro, halka Muslimiinta dalalka gaalada dhex jooga ay heshiiska kula galeen dalalka ay ku nool yihiin, iyo nooca heshiiskaas.

Jawaabtuna waa:

Dadka dalalka gaalada deggen ee sharciga ku leh, iyo kuwa weli aan sharciyada ka qaadan ee qoxootinimada ugu dacwoonaya inay deggenaasho ka helaan, waxaa qabsanaya qodobada kala ah:

1-      In qof  kasta oo waddanka yimaada uu ixtiraamo qawaaniinta waddanka muddada uu joogo waddankaas ama ha ahaado mid soo ziyaartay ama mid degay.

2-      In qof kasta oo qaata jinsiyadaha wadamadaas uu ixtiraamo, taageero, difaacana dastuurka dalka iyo qawaaniintiisa.

3-      In uu qof kasta oo qaata jinsiyadda waddanka hoos imaanayo qawaaniinta, kuna fulayso dhamaan xuquuqda uu leeyahay iyo tan lagu leeyahay.

Haddaba, haddii aad deggen tahay dal gaalo ama aad ku socotid, isla markaasna aad sharciga ka qaadatay, ama aad dooneyso inaad ka qaadato, qodobadaasi waa ku haystaan, kamana baxsan kartid inta aad diyaarka u tahay inaad nabad ugu dhex noolaato. haddii ay xaajadu sidaas tahayna, waxaad ku jirtaa heshiis in xuquuqdaada iyo midda lagugu leeyahayba ay hoos tagayaan Dastuurka dalka aad ku nooshahay. waxaan filayaa in jawaabtaas ay faahfaahsan tahay.

Haddaba inta aanan qodobkaas macsalaameynin, waxaa is-weydiin mudan isaga C/waaxid ah, xaggee joogaa? heshiiskaas aan soo qeexnay isaga ma haysto miyaa? weliba dalka uu joogo ee Britain, waa lagu dhaariyaa qofka Aqoonsiga qaadanaya inuu  daacad u ahaanayo Dastuurka iyo Boqoraddaba. midda kale isaga ma cid baa ugaarsata? waxaaba taas ka daran isaga ayaaba har iyo habeen la taagan taageerada Al-Shabaab, oo mamnuuc ka ah dalka uu joogo ee Britain. isaga mala tuhmi karaa? haddii aan ula dhaqanno sida uu dadka ka aragtida duwan ula dhaqmo jawaabtu waa ” haa” laakiin ma doonayo inaan xirto Ookiyaalaha  isaga iyo saaxibadii ay dadka kale u gashadaan, balse haddii mad-habkiisa la raaco, waa isaga cidda ugu horeysa ee in la tuhmo mudan. waxaana taas uga tagayaa ” C/waaxidow adiga oo  taageera Al-Shabaab,  cidi kulamahadashee, maxaad ka rabtaa cid aanba taageersaneyn”. caqliga waxa uu keenayaa in adiga  lagu tuhmo, halkii laga tuhmi lahaa cid aanba kula aaminsaneyn waxa aad sheegeyso.

Qodobka saddexaad.

Wuxuu C/waaxid in badan ku eedeeyaa Culimada uu maaggan yahay inay dhul gaalo joogaan, mana ahan mas’aladan mid hal mar uu ka hadlay. aad iyo aad ayuu u soo celceliyey, waxaana ka jawaabidda qodobkaan u kala qaadayaa laba qeybood. igana hoo:

1- Culimada uu maaggan yahay, waxay ku kala nool yihiin dunida dacaladeeda. dalalka aan Muslimka u naqaano iyo kuwa Gaaladaba waa joogaan, waxaan u leeyahay “dalalka aan Muslimka  u naqaano” waxaa jira dad aaminsan in caalamku uusan ku jirin  hal dal oo Muslim la dhihi karo, mala yaabtay?.

Meelaha laga soo minguuriyey fikirka C/waaxid ka dhex guuxaya, waxaa laga aaminsan yahay  in xitaa dhulka Barakeysan ee Makka iyo Madiina, ay dhul gaalo yihiin. haddii Makka iyo Madiina halkaas laga taagan yahay, waxaa iska cad in meelaha kalena ay ka sii xag jiraa, laakiin ma hubo in C/waaxid qof ahaan u qabo fikirkaas. balse waxaan hubaa qaar ka mid ah wadaaddada la fikirka ah C/waaxid inay qabaan in Boosaaso iyo Hargeysa laga Hijroodo, maaddaama ay dhul gaalo u arkaan. haddii xaal sidaas yahayna wax lala yaabo maaha in Culimada uu ku eedeynayo ku noolaashaha dhulalka Gaalada, ay ka mid yihiin Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Somaliland, Puntland, iyo dhulka ay ka taliso dowladda KMG ah.

2- Qeybta labaad, waa Culimo ku nool dalalka ay Gaaladu xukunto, ugana badan tahay Muslimiinta. haddii aan malaha u hagaajiyana, Culimada, C/waaxid amuurtaas u haysto waa  Culimada dhulalkaas ku dhaqan. waxaana jirta inuu jiro Fikir gaaleysiinaya dadka waddamada gaalada dhex deggen.

Haddii C/waaxid qabo in dhulka gaalada joogitaankooda lagu gaaloobayo, isaga xaggee ka galayaa gaalnimada? mase Britain waa dhul Muslim? laakiin waxaa suuragal ah in gaalnimada ay ku shaabadeysan tahay dadka ka fikirka duwan qolyahan C/waaxid la dhacsan yahay, iyagana ay cudur-daar leeyihiin xitaa haddii ay ku dhacaan qawaacidda ay dadka kale u cuskanayaan. haddiise C/waaxid u arko in joogitaanka dalalka Gaalada ay Tuhmo keeneyso, isaga ayaa kow ka ah cidda Tuhunkaas uu dhalada ka saaran yahay.

Qubanayaal kale iyo su’aalo ku socda  C/waaxid C/laahi Khaliif.

C/waaxid, waayadan dambe waxa uu ka shanqarinayey inuusan Culimo aheyn, waxaase wax lala yaabo ila noqotay in waxa uu ka hadlo ayan aheyn Ganacsi, Sport,  iyo arrimo kale, ee waxa uu qoro ama ka hadlo ay tahay Diin, waa su’aale sidee diin uga hadleysaa adigoon ehel u aheyn?

C/waaxid, haddii qodobada aad dadka kaa soo horjeeda ku eedeyneysid aad adiga ku sugan tahay,  macquul ma tahay inaad marka hore adiga ka waantowdo, markaas ka dib aad dadka kale ku eedeyso, haddiiba aad u kulushahay inaad wax eedeyso?

Qoraa C/waaxid, mar ayaa waxaad shaaca ka qaadday inaad si’ indho la’aan ah u taageerto xarakada Al-Shabaab. sidoo kalena waxaad sheegtay inaad iska deyneyso taageerada xarakada. su’aalahan iga guddoon: maxaa taageeradaada ka dhigay mid indha la’aan ah? maxaad si miisaaman wax ugu taageeri weyday? sababtii aad sheegtay inaad isaga deyneyso taageerada xarakada weli waa taagan tahaye maxaa is-bedelay? haddiise ay jiraan dad kale oo inta aad ka carootay ka badan ka biyo-diidsan maxay kaaga baxsan la’yihiin?

Caddeynta amuuraha aan ka hadlayo.

Haddaba C/waaxid oo isagu isku xukumaya inuu indho la’aan xarakada u taageero aan idin kala baxo, qoraalka aad hoos ka aqrin doontid sadarada ugu dambeeya ayuuna sidaas ku leeyahay.

Insha Allaahu waxay u dhowdahay inaan faraha kala baxo taageerada indho la’aanta ah ee Xarakada.

Sida aad ila aragteen C/waaxid, wuxuu qirtay inuu si’ indho la’aan ah u taageero xarakada Al-Shabaab, warkiisa burin kale uma baahna, kaliya waxaan leeyahay maaddaama aad indho la’aan wax u taageertid, wax badan ma arki kartid ee marka hore waxaa fiicnaan laheyd inaan  kaa maqalno inaad si miisaaman wax u taageertid, iyadoo ayan intaasi kugu filaan doonin, haddii kale aayar meel fariiso, indho la’aan waxba looma taageeree.

Waxaa xusid mudan, in  markii C/waaxid qoraalkaas qoray, caddeeyeyna inuu si’ indho la’aan ah wax u taageero, laga bixiyey faalooyin badan. dadkii fikirkiisa la dhacsanaa uma cudur-daarine cay iyo yuhun ayey soo qoreen, halka kuwii kasoo horjeeday ayan soo dhaweynin, markii leysku baaba’ayna  markii dambe qoraalka intii xasaasiga aheyd baa laga saaray web kii lagu qoray. Nasiib wanaag goor dambe ayaan helay qoraalkaas oo dhameystiran.

Waxaa jira eedeymo kale oo C/waaxid la soo shir tago, balse kuwaas intooda badan waa been-abuur ama fahan xumo, maxaa yeelay haddii aan ku laazimino inuu amuurahaasi aaminsan yahay waxaa soo baxaya fikir laga yaabo inuu diido marka isaga la weydiiyo.

Arrin kale. qolyahan C/waaxid la dhacsan yahay fikirkooda, waxay kala reebaan xukun ay ridaan iyo waxa ka dhalanaya, iyagoo ka carara natiijada ka dhalata axkaamta ay la haliilayaan, sida tusaale ahaan: waxay murtaddiin ku xukmiyaan dadka qaarkiis, haddii la weydiiyo ” hebel oo aad murtad ku sheegtay, isaga iyo xaaskiisa ma is-qabaan mase xaaraam bay ku wada joogaan? Ilmaha ay iska dhalaan muxuu yahay? jawaabaha su’aalahaas iyo kuwa kaleba aad ayey uga leex leexdaan, mana garanayo wax natiijada looga cararayo, haddiiba xukunkii ka weynaa la soo riday.

Waxaan walaalka ka rajeynayaa inuu  si hufan uga jawaabo su’aalaha maqaalka ku jira ee isaga ku wajahan, iyo waxa uu ka leeyahay amuuraha aan soo bandhigay. waaba haddii uu ka hadli karee. sidoo kalena waxaan rajeynayaa inuusan ka meereysanin waxa aan ku haysto ee uu si toos ah u abaaro.

Fiiro gaar ah; haddii magaca golaha Baraarugga la iigu jawaabo ama la iigu duur-xulo, waxba kama dhihi doono, maxaayeelay qoraalkeygu wuxuu ku wajahan yahay qof gaar ah.

Ugu dambeyntii: Fatwada Sh. Shibli aan ka soo guuriyey, haddii qaabka aan ula jeedo, ay isu qabsan weydo, anigaa fahan xumo igu dhacday ee Sheekhu  eed kuma lahan.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

11 Comments so far

Leave a comment

  1. asc wr wb aad ayaa ugu mahadcelinayaa wallaalka maxamed nuur shire waxaan ku tilmaami karaa nuuriyaha ama ifiyaha been abuurka abdi waahid mudo dhowr sana ah ayaa arkaye qoraaladiisa waana layaabanaa halka uu naga soo salaamo aroor walba
    waxaan dhihi karaa maanta waxaa dib ugu laabtay midiisi waxayna uga jirtaa caloosha intaysan mindhicirada kaa jarjarin iska siib oo kasoo jawaab su aaalaha qiimaha badan ee wallaalka kusoo weydiiye
    hadii uu marki horaba ahaa hadalkaaga shimbirayahow heesa waxaad ka bixisaa raali galin ama cudur daar waa hadaa tahay nin garta wax kayaqaano hadii kale sakiin liq

  2. asc Walaal yaal ninkan C.waaxid la dhoho mala soo ogaaday in uu Takfiir yahay iyo in kale inta aan la isku daalinin??/

  3. Asalaamu caleykum
    Walaalyaal dhammaantiin waan idin salaamay, then, waa wax lagu farxo in Soomalida oon here uga baran inay qalinka ama minbarrada xorta ah isku naqdiso hadda ay arrintaasi bilabatay waxaanna oran lahaa arrintaasi wax bdan bay beddeli kartaa ee halla kobciyo iyadoo la adeegsanayo naqdiga noocaan oo kale ah, waayo waxaa xataa sahlan in qofka la naqdinayaa uu dib isigu noqdo iyadoo aan weli quri go’in sidii hore caadaddu u ahayd
    Khayr baan idiin rajeyn dhammaantiin

  4. Cwaaxid khaliif halkaan ka aqriso 2008 waxii laga qoray walaw ay xiligaas rag badan oo Culimada ka mid ah u heesteen inuu ahaa nin kheyr ka shaqeynaya wax dhibana aysan u arki jirin , laakiin maanta ay ogaadeen inyy yahay Jaajuus Fidno ah oo lasoo dirsaday http://www.somalitalk.com/2008/oct/03oct108.html

  5. akhii maxamed nuur shire ilaahay hakuu barakeeyo fahankaaga iyo caqligaaga meel fiican baad saartay ninkaas lagu jaajaamay umada wanaagsan ilaahay haku siyaadiyo wanaaga

  6. waligey maqaal ka asluub badan oo waxlagu ridinaayo ma arkin walaahi waa hagaajiyay qoraaga akhii ilaah wanaag hakuugu abaal gudo waad naga farxisay ninkaas cabdiwaaxid la dhaho ilaa 4 sano wuxuu ridinayey culimada wax jac ka dhahay lama arkin ma qaano waxa looga aamusnaa ahlu sharka in la ridiyo diintay ka mid tahay

  7. thanks walal mohamed nuur shire waan kaaga mahadcelinaya waxa aad cadaysay sababto ah abdi waahid isaga dhul gaalo jooga maalin kastana waxan ku arkaa qoraaldiisa cay uu caayayo muslimiin siiba culimada dacwada maanta way haysataa abdi waaxid lkn umamalaynaayo saa ku aqaano raga qaba fikirkiisa in ay sual lawaydiyay toos uga jawaban abu aamino walal abdi waaxid waa nin badana wax ku qora webside yada xarakada al shabab la yiraahdo oo isaga iyo kuwamagaca leh ay shaqo ka digten laynta,cayda iyo wax ka sheegida culimada dacwada jazakalaahu khayr ayan kulaayahay walalka aad ayadna umahadsan tahay mohamed nuur shire

  8. to abuu aamino. walaaloow waa la yaqaanaa c/waaxid waxaa lagu yaqaanaa nin culimada aad u caaya marmar wuxuu qariyaa magaciisa marar badana wuu soo bandhigaa marka in qofkaas meel la saaro aad baa loogu baahnaa ilaahay baa u soo saaray maxamed nuur waxaan aamisanahay inuu walaalka maqaalkan qoray shar badan naga hortaagan yahay

  9. Maxamed nuur shire ilaah khayr hakugu shubo aduun iyo aakhiroba furin muhiim ah baad kujirtaa ni cilmi caqli iyo asluub ku saleysan baa loosoo afjaray culimo caygii ee maleeyahay raganimo uu sida loola dooday ugu doodo asagoon caytamin walaalaha halgan waan idin mahadcelinayaa xiriirka aad la leedihiin dadka kheyrka difaaca idinkaa ugu horeeya

  10. asc.
    waxaan walaalka ka codsan lahaa inuu bal horta na baro cida uu yahay c/waaxid mase astaahilaa in dadka akhristayaasha ah lagu daaliyo radinta nin aan culimo ahayn hadana diin ka hadlaya. sida aan u arko maqaalkan wuxuu dadka barayaa nin aan la aqoon oo malahayga luuqluuqyada wax ku qora.

  11. A/C. Awal aad ayaan u salamayaa Maxamed Nuur Shire. Akhii waranka meel fiican bad ka soo gantay oo walibaa ninkii is mahdiyay ee Cilmi Xumo intuu ka qabo xitaa wuxuu ku hadlay ee Duuban aan dhagaysan inad Naseexo Naar uga daran u soo qorto aad ayaan usoo dhawaynayaa. Walow Cabdiwahid anigu anan Cilmi ku Ogayn Hadana waxaan maqli jiray Baqshii Farda la mirta Habeenka danbe ayay Faras Ismoodaa. Sheekh Xassan oo Fikirkiisa Takfiiriga ah a Fuufaya ayuu Online ka daalacday markaasuu is mooday asna Sheekh kale. Boowe waalays yaqaan Waliba anaga sifiican ayaan kuu naqanaa. Meeshaad rabto inaad mirahha ka soo goosato iyo Ragaad rabto inaad Diin ugu Jawaabto walee intuu Cirku kuu jiro ayay kuu jiraan. Xishood daranaa KULAHAA SHEEKH UMAL BAAN U JAWAABAYA. Tolow miyuusan is dhagaysan Xitaa inuu Ayaadka Quraanka Carabkiisu karin miyaasan is maqlayn. Boowe aa kulatahay walee Diin aad Barato Mooyee Diin aad Dad lasoo hor istaagto inaan kugu Ogayn.

Leave a comment

*