Ciidamo British ah oo lagu arkay gobolka Sh/hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
July 26, 2012 - Written byAfgooye:-Ciidamo British ah ayaa waxaa lagu arkay gobolka Sh/hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya Wargeyska ka soo baxa dalka Britain ee The Times, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan Britain, lagu arkay degmada Afgooye iyo Ceelasha Biyaha, waxaana wargeysku soo sawiray askar British ah oo la sheekeysanaya caruur Soomaali ah.
The Times, ayaan sheegin tirada ciidanka Britain ee halkaas ku sugan, mana jiraan mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan oo uu wargeysku soo xigtay.
Wasaaradda gaashaandhiga dalka Britain, ayaa xaqiijiyey in saraakiil ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, balse waxa ay intaas ku dartay in saraakiishu ay caawinayaan ciidanka AMISOM.
Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee Britain, ayaa sheegay inay Soomaaliya u direen saraakiil ciidan, kuwaasoo sida uu warka u dhigay ciidanka AMISOM ka caawinaya isgaarsiinta iyo caafimaadka.
Arrintan, ayaa waxa ay imaaneysaa xili ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya ku sugan ay isu diyaarinayaan dulaano ay ku qaadaan magaalooyinka muhiimka ah oo ay ururka Al-Shabaab ka taliyaan.
Somalireal /Halgan.net