Dowradii tababarka maamulayaasha Macaahida Shareecada Islaamka oo gashay maalintii 3aad [SAWIRRO]
July 15, 2012 - Written byGaroowe:-Dowradii maamulayaasha macaahida shareecada ee dalka Soomaaliya uga socotay magaalada Garoowe ayaa gashay maalinteedii 3aad iyadoona ay si habsami lehna uga socota masjidka weyn AL-hudaa ee ku yaala magaalada Garoowe, dowradaan oo ay soo qabanqaabisay Dalladda macaahidda shareecad ee Soomaliya ayaa waxaa kamid ahaa duruustii lagu qaatay maanta , maaddooyinka ay ka mid ahayd : saxaafadda iyo xiriirka ay la leedahay dacwada waxaana soo jeediyay ustaad Maxamed Cumar Axmed.
no images were found
Siminaarka ayaa lagu wadaa in uu sii socon doono maalmaha soo socda ayna duruus kale ka bixin doonaan Macallimiin kale duwan oo loo qorsheeyey in ay ka qeyb galayaasha Siminaarka casharo kale duwan u jeediyaan. Dowradan ayaa ah midii labaad ee ceynkeeda ah ee loo qabto maamulayaasha Macaahidda Shareecada Islaamka ee dalka Soomaaliya waxayna Maamulayaasha Siminaarka loo qaybtay ka kala yimaadeen Gobollada dalka Soomaaliya oo ay ku yaalaan Macaahid lagu barto culuumta sharecada Islaamka .
Dowradii tan ka horeysay ayaa waxaa sanadkii tegay lagu qabtay Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somaliland waxaana sida muuqata sanadkaan lagu qabtay Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Halgan.net/Somalimirror