Madaxweynaha DFKM oo ka qeyb galaya Shir madaxeedka Midowga Afrika
July 15, 2012 - Written byAddis Ababa :-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed iyo wafdi uu horkacyo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaana uu ka qeyb galayaa Shir madaxeedka Midowga Afrika oo 6 bilood mar lagu qabto dalka Itoobiya, waxaana shirkan lagu lafo guri doonaa xaalada wadamada Mali ,Soomaaliya iyo Sudan.
Shirkan ka furmay maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka horeeyey kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika waxaana kulankaas ka sooo baxay in ciidamo gaaraya 3000 loo diro wadanka Mali .
Shirka madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxaa kale oo lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Midowga Afrika waxaana sanadkan ku tartamaya gudoomiyaha haatan xilka haya Jean Ping iyo xaaska Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Jacob Zuma Dlamini-Zuma .
Madaxweynayaasha soo gaaray ilaa haatan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa ka mid ah Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ,Madaxweynaha dalka Masar Dr. Mohammed Morsi ,Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame,Madaxweynayaasha labada Sudan ,Madaxweynaha Seychelles James Alix Michel ,iyo Madaxweynaha Central Africa RepublicFrançois Bozizé ,Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geele.
A/Cawale
Halgan.net