Madaxweynaha Puntland iyo Augustine Mahiga oo ku kulmay magaalada Garoowe
July 13, 2012 - Written byGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay ergayga u qaabilsan Qaramada Midoobey arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga iyo wafdi ka tiran QM oo galabta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland .
Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo ergayga u qaabilsan Qaramada Midoobey arimaha Somalia Augustine Mahiga ayaa waxaa uu ahaa mid albaabada u xiran yahay waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiiro,Xildhibaano ,Isimo iyo qaar ka mid ah Bulshada rayidka waxaana kulanka looga dooday dib u dhaca ku yimid ansaxinta Dastuurka ay ku heshiiyeen saxiixayaasha Road-Mapka .
Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole wuxuuna sheegey in ujeedka socdaalka Ambassador Mahiga uu ahaa mid lagu gorfeynayey dib u dhaca ku yimid dhameystirka RoadMapka ;Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in ay Mahiga ay meel isla dhigeen sidii looga bixi lahaa ku meelgaarka.
Ergayga u qaabilsan QM Augustine Mahiga ayaa isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay madaxada Puntland iyo odayaasha Dhaqanka ee Puntland uu guul ku dhamaaday Mr.Mahiga ayaa sheegay in ay 20 bisha 8aad laga bixi doono ku meelgaarka .
M_M Deeq
Halgan.net