Shirka golaha ansixinta dastuurka Cusub oo dib uga Furmay magaalada Muqdisho
July 28, 2012 - Written byMuqdisho:-Shirka golaha ansixinta dastuurka cusub ee DFKM ayaa wuxaa uu ka socdaa magaalada Muqdisho ee xarunta dugsiga tababarka School Pulisia ee maagalada Muqdisho kaas oo dib u dhacay uu ku yimid shalay ka dib markii uu qarax uu ka dhacay goob aan sidaa uga fogeyn xarunta uu shirka uu ka socdo .
Ergada ansixinta dastuurka cusub ee DFKM ayaa maanta waxay ka doodeen qodobo ka mid ah dastuurka cusub kuwaas oo ay ku sheegeen in ay lid ku yihiin Shareecada Islaamka waxayna sheegeen in ay u gudbin doonaan qodobadaas inta aan la ansaxin Dastuurka cusub ee ay soo bandhigtay DFKM .
Shirka golaha ansixinta dastuurka Soomaaliya ayaa furmay 25-ka bisha July waxaana uu socon doonaa ilaa 9 bari wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh jibriil ayaa sheegay in loo akhriyey Ergada Dastuurka wuxuuna xusay in Ergada loo qeybiyey gudiyo kala duwan kuwaas oo si gooni gooni ah uga doodi doona Dastuurka cusub .
A/Cawale
Halgan.net