Shirkii Ergada ansixinta Dastuurka oo goordhow ka furmay magaalada Muqdisho
July 25, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa goordhow si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho Shirkii Ergada ansixinta Dastuurka sida uu u xaqiijiyey warbaahin ta ka howl gasha magaalada Muqdisho Wasiirka wasaarada Dastuurka DFKM C/raxmaan Xoosh Jibriil waxaana uu shirka ka furmay xaruntii hore ee Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Dastuurka ee DFKM C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa saxaafada u sheegay in shirka saaka ka furmay magaalada Muqdisho uu socon doono mudo dhan 9 maalmood ah .
Warbaahinta ayaa weydiisay wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil in ay soo dhameytirmeen dhamaan ergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka wuxuuna sheegay in 90% ay joogaan ergooyinka inta kalana ay soo gaarayaan dhawaan . Amaanka goobka uu ka furmayo shirka ergada ansixinta Dastuurka ayaa aad loo adkeeyey waxaana la filayaa in furitaanka shirka ay ka soo qeyb galaan madaxada sare ee DFKM.
A/Cawale
Halgan.net