Sirdoonka dowlada Faransiiska oo sheegay in uu wili nool yahay Denis Allex
July 14, 2012 - Written byMuqdisho:-Sirdoonka Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inuu weli nool yahay, Denis Allex oo ah sarkaal ka tirsan dowlada Faransiiska kaas oo tababar siin jiray ciidamada DFKM waxaana lagu afduubay 2009 magaalada Muqdisho .Wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay inay xog badan ka heleen Denis Allex wuxuuna sheegay in sirdoonka dowlada Faransiiska uu u soo gudbiyeen warbixino kala duwan taas oo xaqiijineysa in uu wili nool yahay Denis Allex .
Denis Allex ayaa waxaa uu haatan gacanta ugu jiraa sida loo maleynayo Ururka Al-Shabaab ;Wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa wax faahfaahin ah ka bixin goobta uu ku sugan yahay wuxuuna sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay u soo furan lahaayeen.
Filim Muuqaal ah oo ku saabsan Denis Allex ayaa la soo dhigay barta internetka waxaana dowlada faransiiska loogu baaqay in ay faraha kala baxdo arimaha Soomaaliya ayna sii deyso maxaabiista muslinka ah ee ku xiran dalkeeda.
A/Cawale
Halgan.net