Wafdiga uu hogaaminayo Mark Bowden oo gaaray magaalada Dhuusa Mareeb
July 9, 2012 - Written byGalgaduud:-Wafdi ka socda Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaana wafdigaas horkacayey wakiilka QM u qaabilsan arimaha bani’aadanimada Mark Bowden.
Wafdiga uu hogaaminayo Mark Bowden ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Golaha Fulinta kooxda la baxday Ahlu Suna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow iyo xubno ka tirsan kooxda Ahlusuna ee haatan ka arimiya qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud .
Gudoomiyaha Golaha Fulinta kooxda la baxday Ahlu Suna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan booqashada wakiilka QM u qaabilsan arimaha bani’aadanimada Mark Bowden wuxuuna ka warbixiyey xaalada abaaraha ee ka jira gobalada dhexe.
Wafdiga uu hogaaminayo Mark Bowden lama aysan hadli saxaafada ilaa haatan waxaana socdaalkooda lagu sheegay mid la xiriira xaaladda bini’aadannimo ee gobolka Galgaduud iyo sidoo loo gaarsiin lahaa gobalkaas gargaarka gaar ahaa dadka xeryaha ku jira ee ku barakacay gobalka Galgaduud.
M_M Deeq
Halgan.net