Warsame Yuusuf Axmed oo lagu khaarajin lahaa qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo
July 22, 2012 - Written byGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay maanta agagaarka guriga Warsame Yuusuf Axmed oo la dhashay Madaxweynihii hore ee DFKM C/laahi Yuusuf Ahmed miinada ayaa waxa lagu aasay meel aan ka fogeyn guriga uu deganaa Warsame Yuusuf Axmed .
Warsame Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ku dhaawacmay qaraxa waxaana la geeyey Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo waana markii labaad oo ka badbaadayo isku day dil waxaana uu ka badbaaday sidoo kale dhamaadkii sanadkii 2010kii .
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa ay ka nasatay dilal qorsheysan oo lagu laayey madax ka tirsan gobalka Mudug ,saraakiil iyo Isimo ,Nabadoono iyo Ganacsato ,
Maamulka gobalka Mudug iyo dowlada Puntland ayaan ilaa haatan cid u soo qaban dilalka ka dhaca deegaanada Puntland kuwaas oo salka ku haya aanooyin qabiil iyo ay ka danbeeyaan siyaasad.
M_M Deeq
Halgan.net