Xeer-Ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Gaalkacyo
July 1, 2012 - Written byGaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa xalay lagu dilay Xeer-Ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Mudug Dabley hubeysan, ayaa fiidnimadii xalay waxa ay xaafadda Israac ku toogteen, Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Mudug, Bashiir Cabdi Garas, iyadoona kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.
Marxuumka ayaa marka la dilayo waxa uu ka soo baxay Masaajid, isagoona ku sii jeeday gurigiisa, waxaana markii falka dilka ahi dhacay howlgallo bilaabay ciidanka Bileyska, balse lama sheegin cid loo qabtay dilkaas.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxaa horey loogu dilay mas’uuliyiin maamulka dowladda ka tirsan, odayaal bulshadu wada taqaanay, saxafiyiin, iyo waxgarad kale, iyadoona inta badan dadkaas la laayey iyagoo ka soo baxay masaajid, inta badanna lama qabanin cidda dilalkaas ka dambeysay.
A/Cawale
Halgan.net