Amaanka Muqdisho oo la adkeeyey iyo doorashada oo bilaabaneysa saaka

September 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in aad loo adkeeyey amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde iyo xarunta xarunta iskuul bolisiya waxaana la geeyey ciidamo dheeri ah oo ka socda AMISOM.

Loolanka Musharaxuiinta madaxtinimada DFS ayaa waxay mareysaa meel xasaasi ah waxaana socda xulufeysi adeg iyada oo la isku xulifeysanayo qaab qabiil iyo mid dan gaar ah.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay halgan.net ka heshay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah musharaxiinta ay xalay la kulmeen Madaxweynaha DFS iyo Raisulwasaare Cabdi weli Maxamed Gaas lamana yaqaan ilaa haatan wixii ka soo baxay.

Sidoo kale waxaa heshiis hoose uu dhexmaray qaar ka mid ah musharaxiinta u taagay qabashada madaxtinimada DFS waxayna xalay 21 ka mid ah musharaxiinta ay kulan gaar ah ku qaatay magaalada Muqdisho.

Doorashada madaxweynenimada DFS ayaa furmi doonta dhawaan waxaana diyaarsan cida ay u dhiibi lahay beesha caalamka taas oo aysan ka warqabin shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmana Jawaari ayaa xalay warbaahinta u sheegay in doorashada ay u dhici doonto si cadaalad ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online