AMISOM iyo DFS oo soo bandhigay ciidamo ay ku sheegeen in ay ka soo goosteen Al-Shabaab
September 24, 2012 - Written byMuqdisho:-Saraakiisha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa galabta saxaafada u soo bandhigay ciidan ay ku sheegeen in ay ka soo goosteen Ururka Al-Shabaab kuwaas oo ay tiradooda ku sheegeen 242 askari waxaana ciidanka lagu soo bandhigay xerada Maslax ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Xerada Maslax ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa soo gaaray masuuliin ka tirsan DFS waxaana ka mid ahaa Wasiirka G/dhiga ee DFS ee waqtigeeda uu dhamaaday Xuseen Carab Ciise,wasiirka arimaha gudaha Cabdisamed Macalin iyo Abaanduulaha ciidamada xoogga DFS Gen. Cabdikariin Yuusuf Dhego-badan .
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Yaxye Faysal Cabdulle kaasi oo ka hadlay sababta ka dambeysa inay ka soo goostaan Ururka Al-Shabaab isaga oo sheegay in ay u dulqaadan waayeen dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan Shacabka gobalka Gobalka Shabeelaha Dhexe waxaa kaloo saxaafada la hadlay Sheekh Sheegow Axmed Cali oo hoggaaminayay ragga isa soo dhiibay wuxuuna ka hadlay qaabkii ay ula xiriireen madaxada DFKM .
Saraakiisha Ciidanka AMISOM ayaa dhankooda goobta ka hadlay waxayna sheegeen in ciidamadaan ay ka soo goosteen Ururka Al-Shabaab waxayna soo bandhigeen hub iyo aggab kale
Ilaa haaatan ma jiraan masuuliin ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM mana jiraan cid ka madax banaan DFS oo xaqiijisay ciidanka ay sheegay in ay ka soo goosteen Ururka Al-Shabaab.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net