Baarlamaanka DFS oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho
September 24, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta kulan isigu yimid baarlamaanka DFS waxaana shir guddoominayay Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana kulankii maanta looga hadlay arimo ay ka mid yihiin amaanka magaalada Muqdisho .Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray in ka badan xildhibaano gaaraya 200 xildhibaan.
Kulanka Baarlamaanka DFS ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay soo dhisida guddi hoosaad mudo 14-maalmood gudahood guddigaas oo noqon doona guddi hoosaadyada baarlamaanka dowlada federaalka ee Soomaaliya.
Kulanka Baarlamaanka DFS ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaariyey labada xildhibaan waxaana looga hadlay sidoo kale in xildhibaanada DFS ay joojiyaan maqnaanshaha iyo fasaxyada tirada badan.
A/Cawale
Halgan.net