Dagaal goor dhow ka qarxay degaanka Birta dheer ee duleedka Kismaayo
September 28, 2012 - Written byKismaayo:-War hadda nasoo gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ciidanka dalka Kenya iyo kuwa Raaskaambooni ay dagaal ku soo qaadeen degaanka Birta Dheer oo u jirta qiyaastii 60 Km magaalada Kismaayo, Dagaalka saaka ay ku soo qaadeen Ciidanka Kenya magaalada Kismaayo ayaa ah mid ay u adeegsanayaanaa diyaardo iyo hub culus iyagoo gacan ka hellay ciidanka Raaskaambooni ee uu guddoomiyaha u yahay Axmed Maxamed islaan Axmed Madoobe iyo ciidamo kale oo sheegay in ay yihiin ciidamo ka tirsan ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya.
Dagaalka socda ayaa ah mid xooggan oo ay ciidanka Kenya ay ridayaan madaafiic fara badan iyo hubka culus iyadoo ciidanka Kenya ay dagaalka u adeegsa nayaan Diyaarado dagaal, Goob jooge ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa saxaafada u sheegay in magaalada ay ka maqlayaan rasaas fara badan gaar ahaan Jaamacadda Kismaayo, iyo dhinac waqooyi ee magaalada.
Dhanka kale ciidanka dalka Kenya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa waxaa ay doonayaan in ay magaalada Kismaayo ka soo galaan Galbeedka
waan sababta kaliftay dagaalka hadda ka socda degaaanka Birta dheer ee Kismaayo u jira 60 Km , waxaa xusid mudan in ciidanka ururka al-shabaab iyo saraakiishooda iyo Maamulkii Kismaayo ay weli u sugan yihiin magaalada oo aysan ka bixin.
Ciidanka Al-shabaab ee ku sugan magaalada duleedkeeda ayaa u qaybiyey ciidamadooda kooxo yar yar waxaan ay si kale duwan u galeen dhulka howdka ah iyagoo difaacaya magaalada Kismaayo oo uu dagaal uga socoda dhinaca xeebta ah oo xalay ay soo galeen ciidanka Kenyaan ah balse uu dagaal ku qabsaday saaka dagaalka oo ilaa hadda socda.
Ilaa hadda lama yaqaan xaalada magaalada Kismaayo iyo khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool magaalada
Wixii soo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa insha Allaahu
A/cawaale
Halgan.net