Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.[ War-saxaafadeed]
September 8, 2012 - Written byDowladda Puntland waxay si weyn uga digaysa dhaqanada ku salaysayn khalkhalgelinta, musuqmaasuqa, iyo handadaada maalmahaan ugu dambeeya ka socda habka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay door weyn ka ciyaartay hirgalinta Barnaamijka Roadmap-ke ee Dhamaystirka Xilliga KMG ah, iyadoo Puntland ku qabatay magaalada Garoowe Shirarkii Qaran ee Dastuurka iyo iyadoo door muhiim ah ka qaadatay Shirarkii Saxiixayaasha ee lagu qabtay magaaloyinka Gaalkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi.
Tixraac war-saxaafadeedyadii Dowladda Puntland ee:
• 10 June 2012, Puntland waxay ka digtay qaswadayaasha ka soo horjeeda tubta nabadda ee dalka Sooomaaliya;
• 4 July 2012, Puntland waxay taageertay dhisitaanka iyo dhamaystirka Maamullada Federaalka,sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya;
• 26 August 2012, Puntland waxay ka digtay faragelinta joogtada ah ee qaabka xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka; sidoo kale, Puntland waxay magacawday Guddiga Arrim aha Federaalka oo dabagala arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Federaalka;
• 28 August 2012, Puntland waxay soo dhaweysay doorashadii Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Cismaan Jawaari waxayna ku boorisay Gudoomiyaha cusub inuu sii ambaqaado ajendaha Baarlamaanka, oo ku salaysan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Halkaan ka Akhriso warsaxaafeedkii ka soo baxay dowllada Puntlland
Communications Office
790999 / 794597 / 799128