Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof.Jawaari oo ka hadlay qaabka ay u dhici doonto doorashada Madaxweynaha
September 7, 2012 - Written byMuqdisho:-Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo la hadlay saxaafada magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay ku howlan yihiin in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya siddii ay ugu dhici lahay si cadaalad ah. Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka ay u taal howlo fara badan marka la doorto madax weynaha ,isagoo ku booriyey xilibaanada Golaha Baarlamaanka DFS in ay u diyaar garoobaan masuuliyaada ay u dhaarteen.
Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha iyadoo maanta ay ilaa 10 musharax ay Golaha baarlamaanka ay ka horjeedin doonaa khudbooyinkooda ku saabsan tartankooda ku aadan xilka Madaxweynaha. Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay wakiilo ka socda Qaramada Midoobay oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo kala hadlay guddoonka baarlamaanka siddii ay doorashada madaxweynaha ay ugu dhici lahayd si hufan.
A/cawaale
Halgan.net