Kulankii Baarlamaanka ee DFS ee lagu dooranayey Madaxweynaha oo Furmay
September 10, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa si rasmi ah u furmay Kulankii Baarlamaanka ee DFS ee lagu dooranayey Madaxweynaha Soomaaliya waxaana uu hada ka bilowday Dugisiga Tababarka Jeneral Kaahiye ee magaalada Muqdisho waxaana kulanka khudbad kooban ka jeediyey Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmana Jawaari .
Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmana Jawaari ayaa ka codsaday xildhibaanada DFS in ay nidaamka ilaaliyaan wuxuuna balan qaaday in doorashada ay u dhici doonto si cadaalad ah.
Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya Max’ed Cusmaan Jawaari ayaa waxaa kale oo uu ka codsaday ciidanka amaanka in cid walba oo isku dayda in ay nidaamka wax u dhinto in dibada looga saaro hoolka ay ka socdaan doorashada.
Kulankaxildhibaanada DFS ayaa waxaa xaadir ku ah sida warar hoose lagu helayo 220 xildhibaan kuwaas oo maanta dooranaya madaxweynaha DFS ee afarta sano ee soo socota.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net