Musharaxiin Tanaasulay iyo Xilibaanada DFS oo codeyntii bixinaya
September 10, 2012 - Written byWararka hordhac ah oo naga soo gaaray magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Iskuul Buluusiya ayaa sheegaya in la dhaariyey xilibaano gaaray 20, kuwaas oo dhawaan horay gudiga farsamada uu ugu diiday in ay noqdaan Xilibaan DFS taas oo ay ku saleeyeen in ay yihiin Dagaal oogayaal iyo danbiinayaal dagaal.
Dhanka kalr Waxaan gudiga doorashada Madaxweynaha DFS ay si rasmi ah u shaaciyeen in ilaa 2 musharax ay si toos ah u tanaasuleen waxaan ay kala yihiin Bashiir Nuur Bidaar, Xuseen Khaliif Jaamac iyo musharax Cabdiraxmaan Cabdi shakuur oo isagu shalay ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka Madaxweynanimo.
Waxaa kale oo gudiga doorashadu ay ku dhawaaqeen in musharaxiintu aysan isa siin karin cod ama musharax hara uusan codkiisa uusan ku biirin karin musharx kale arrinkaas oo ah sharci cusub oo aysan wax faahfaahin ah aysan ka bixin gudiga doorashada .
Guddoomiyaha Baarlamaanka Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u sheegay in ay tahay mamnuuc in musharax tanaasul uu isla markaas uu codkiisa ku biiriyo musharax kale balse kaliya uu cadayn karo in uu tanaasulay kaliya.
Dhinac kale gudiga doorashada ayaa ka hor akhriyo sharciyo laga doonayo musharaxiinta iyo xilibaanada iyo dadka lagu casumay in ay goob joog ka ah doorashada in aan loo ogolayn in ay isticmaalaan Mobilo, sacbiyaan ama buuqaan qofkii arrinkaas ku kacana ay ciidanku ay ka saari doonaa Hoolka ay ka socoto doorashada Madaxweynaha DFS.
Xilibaanada DFS ayaa hadda ka soo laabtay salaad Duhur iyo qado balse waxaana haatan ka socda Hoolka Iskuul Buluusihyo codeynta
A/cawaale
Halgan.net