Puntland oo war-saxaafadeed ka soo saartay qaraxii lala beegsaday Madaxweynaha JFS Prof. Xassan Sh.Maxamuud
September 13, 2012 - Written byGaroowe:-War-saxaafadeed ka soo baxay Dowllada Puntlland ayaa lagu canbaareeyey isku daygii dilka ahaa ee lala beegsaday Madaxweynaha cusub ee Dowllada Federalka Soomaaliya Dr.Xassan Sh.Maxamuud xili uu shir la qaadanay wafdi sare oo ka socda dowllada dalka Kenya oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha dibedda Sam Ongeri, kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Dowllada Puntlland oo warsaxaafeedka ay soo saartay uu ku qornaa luqada Ingriiska ayaa waxaa ay tacsi u direen dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho iyagoo qarax ku tilmaameen mid waxashnimo ah.
Dowllada Puntlland ayaa waxaa kale oo ay war-saxaafadeedkooda ay ku tilmaameen ururka Al-shabaab koox argagixiso ah oo aan doonayn in shacabka Soomaaliyeed ay ka baxaan dhibaatada daba dheeraatay waa sidda ay hadalka u dhigeene.