Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ka degay Magaalada Muqdisho.[Dhagayso]

September 24, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si heer saro ah loogu soo dhaweeyay Siyaasiga Cali Cabdi Awaare, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne aad u farabadan iyo mas’uuliyiin kale. Cali Cabdi Awaare ayaa ka soo noqday wasiir Maamul kaPuntland, wuxuuna ka mid ahaa dadkii aas-aasay Maamulkaas.

Siyaasi Cali Cabdi Awaarea ayaa ah Siyaasi inta badan ku noolaa dalka lana qaybsaday shacabka dhibaatooyinka kala duwanaa oo soo wajahay, Sidoo kale wuxuu aad u soo dhaweeyay in Soomaaliya ay maanta ka baxday KMG islamarkaana si xalaal ah loo doortay Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud.

Soo dhaweynta ka dib ayuu warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta uu ka soo dego Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. “Waan ku faraxsanahay inaan imaado Muqdisho,waxaana ka imid dalka Jabuuti waxaana u imid inaan Shacabka Soomaaliyeed kale  qeyb qaado isbedelka Siyaasadeed ee dalka”. Hadal heynta dadka reer Muqdisho ayaa ahaa maalmihii ugu dambeeyay in Cali Cabdi Awaare loo magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxayna bulshada ku dhaqan Muqdisho isku raacday inuu yahay shaqsi u qalma in loo magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Ugu dambeyntii Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in maanta dalka Soomaaliya looga baahan yahay isbedel Siyaasadeed ee hormarinaya dalka iyo dadka, Wuxuuna intaasi ku daray inuu yahay shaqsi si fiican u yaqaana dhulka Soomaaliyeed iyo Bulshaweynta ku nool wuxuuna sidoo kale xusay in wax badan uu ka bedeli doonto Xaaladda hadda ee ku jirto  Soomaaliya, ha ahaato dhinaca Amniga, Dhaqaalaha, Maamul wanaaggai yo  xiriirka Caalamka.

Hoos ka Dhageyso Hadalka Siyaasi Cabdi Awaare

[audio:https://halgan.net/Mp3/CaliCabdi Awaare.mp3]

xogtasheeg, xogtasheeg@gmail.com

—-Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online