Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sh Maxmuud oo goor dhow bilaabatay
September 16, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa goordhow si rasmi ah u bilaabatay xafladii caleema saarka Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxmuud waxayna xaflada si heersare ah uga socotaa Dugsiga sare ee Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiya.
Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax badan oo ka socota Caalamka waxaana ilaa haatan soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalagn, Wakiilka Madaxweynaha dalka Sudan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga, Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Jean Ping, Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee dalka Qadar.
Waxaa kale oo munaasabada caleema saarka madaxweynaha JFS ka soo qeyb galay Wakiilo ka kala socda dalalka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, jaamacada Carabta iyo dalalka Kenya, Uganda, Burundi ,Tanzania ,Koofurta Sudan iyo wadamo kale oo badan.
Waxaa haatan ka socda hoolka Dugsiga sare ee Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiya khudbadaha ay jeedinayaan madaxda ka soo qeyb gashay xaflada Caleema saarka madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxmuud waxaana khudbad jeedinaya haatan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga
A/Cawale
Halgan.net