Xildhibaanada DFS oo ku sii qulqulaya Garoonak Aden Cade ee magaalada Muqdisho
September 10, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa haatan ku sii qulqulaya Garoonka Aden cadde ee magaalada Muqdisho Xildhibaanada Baarlamaanka DFS si ay u doortaan maanta madaxweynaha cusub ee DFS waxaana ku tartami doona 24 Musharx.
Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ayaa saaka Mashquul ah waxaana ku sugan Gudiga doorashada ,Xildhibaanada DFS ,wafdi ka socda Beesha caalamka kuwaas oo goobjoog ka noqon doona doorashada saaka lagu wado in ay ka dhacdo Muqdisho.
Xildhibaanada DFS ayaa waxaa u taagan basas ka qaadi doona Garoonka Aden Cadde kaas oo geyn doona xarunta School Polizio halkaas oo ay doorashadu ka dhici doonto.
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta mar walba wixii ka soo kordha doorashada saaka la wada sugayo.
A/Cawale
Halgan.net