Xilibaano lagu muransanaa in ay ka mid noqdaan Golaha Baarlamaanka DFS oo loo ogolaaday
September 10, 2012 - Written byMuqdisho:-Cod bixin gacan taag ah oo ka dhacday Iskuul Buluusiyo oo ay ku dhacayso doorashada Madaxweynaha DFS ayaa Xilibaanda DFS waxaa ay ku ogaaladeen qaar ka mid ah dagaal oogayaashii Muqdishio oo ay horay gudiga farsamadu u diideen in ay ka mid noqdaan xubnaha Golaha Baarlamaanka in loo dhaariyo xilka xilibaanimo arrinkaas ayaa markii lagu dhawaaqay waxaa buuqay xilibaandii arrinkaas ka soo horjeeday oo ka mid aha Wasiirka Dastuurka DFS Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Xilibaanada loo ogolaaday in la dhaariyo ayaa tiradoodu waxaa ay gaaraysaa ilaa 20 xilibaan , waxaana ogolaaday in loo dhaariyo xilka xilibaanimo qaar ka mid ah dagaal ogayaashii magaalada Muqdisho ilaa 98 xilibaan halka 85 ka mid ah ay diideen , iyadoo 9 kalena ay ka aamuseen. Waxaa xusid mudan in goobta ay ka dhacaysa cod bixinta oo ahayd gacan taag ay ka maqnaa ilaa 50 xilibaan oo aan la shaacin sababta ay u maqnaayeen balse xilibaanada codka bixiyey ayaa gaarayey ilaa 242.
Wixii Faahfaahin dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaahu.
A/cawaale
Halgan.net