Baarlamaanka JFS oo maanta ku kulmay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho
October 14, 2012 - Written byMuqdisho:-Baarlamaanka DFS ayaa kulan ku yeeshay maanta xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaana la filayaa in kulanka looga hadlo xeer hoosaadka Baarlamaanka dowlada federaalka ee Soomaaliya oo ay soo diyaariyeen gudi ay baarlamaanka u xuleen arinkaas.
Kulanka maanta ayaa waxaa shirgudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pro.Jawaari waxaana loo gudbiyey Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ajandaha kulanka in uu yahay in ay ka doodaan qodobada xeer hoosaadka oo ay soo diyaariyeen Guddiyo dhawaan ay baarlamaanka DFS u xilsaareen
Xildhibaanada DFS ayaa waxaa loo geybiyey qoraalada ay soo diyaariyeen xubnaha Gudiyada soo diyaariyey xeerhoosaadka laga doodayo maanta waxaana ka socda haatan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho doodii xildhibaanada baarlamaanka DFS.
A/Cawale
Halgan.net