Ciidamada DFS oo howlgalo ka sameeyey Degmooyinka ka tirsan Gobalka Banaadir
January 26, 2013 - Written byMuqdisho:-Ciidamada DFS ayaa maanta howlgalo ka sameeyey Degmooyinka ka tirsan Gobalka Banaadir gaar ahaan degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeynleey waxaana howlgaladaas lagu soo qabtay ilaa 70 qof.
Taliyaha ciidamada Nabadsugida ee gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada lagu soo qabtay dad badan balse ay haatan ay xiran yihiin ilaa 70-ruux kuwaasi oo lagu eedeeyay falal lid ku ah amaanka magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ciidanka DFS ayaa sheegay in howlgalada lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho uu sii socon doono balse dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya Raafka dhalinyarada taas oo mar marka qaarkood ay waalidiintooda ku soo daayaan lacago laaluush ah.
Toddobaadkii hore ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu xiray magaalada Muqdisho dhalinyaro aad u tiro badan ka dib howlgalo laga sameeyey deymooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir.
A/Cawale
Halgan.net