Ciidamada DFS oo howlgalo ka sameeyey Degmooyinka ka tirsan Gobalka Banaadir

January 26, 2013 - Written by

howlgaloMuqdisho:-Ciidamada DFS ayaa maanta howlgalo ka sameeyey  Degmooyinka ka tirsan Gobalka Banaadir gaar ahaan degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeynleey waxaana howlgaladaas lagu soo qabtay ilaa 70 qof.

Taliyaha ciidamada Nabadsugida ee gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada lagu soo qabtay dad badan balse ay haatan ay xiran yihiin ilaa 70-ruux kuwaasi oo lagu eedeeyay falal lid ku ah amaanka magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ciidanka DFS ayaa sheegay in howlgalada lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho uu sii socon doono balse dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya Raafka dhalinyarada taas oo mar marka qaarkood ay waalidiintooda ku soo daayaan lacago laaluush ah.

Toddobaadkii hore ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu xiray magaalada Muqdisho dhalinyaro aad u tiro badan ka dib howlgalo laga sameeyey deymooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online