Dimuqiraayida Reer Galbeedka oo beenowday ka dib xiritaankii barta Twitter-ka ee @HSMPress
January 25, 2013 - Written byMuqdisho:-Shirkada Twitter-ka ayaa cadaadis badan oo uga yimid wadamada reer galbeedka waxaa ay xireen bartii Twitter-ka ay ku lahaayeen Ururka Al-Shabaab ka dib markii ay warbaahinta caalamka ay bilaabeen in wararka Ururka Al-Shabaab ay ka raadsadaan Bartii Twitter ee HSMPresss iyo Mu’assasada Warbaahinta ee Ururka Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib .
Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr mar soo dhigay macluumaad iyo sawiro kala duwan barta Twitter-ka ee @HSMPress waxaana ay shaqo bilawday bishii December ee sanadkii 2011 waxaana ka mid ahaa waxyaabihii ugu waaweynaa oo ay soo dhigeen askartii ka socotay dalka Burundi oo lagu laayey Degmada Dayniile ,Sarkaaal ka tirsanaa Sirdoonka Fannsiiska waxaana u danbeeyey meydkii askarigii laga dilay ciidamada Kumadoska Faransiiska ee ku fashilay in ay soo furtaan Dennis Alex.
Wadamada reer Galbeedka ayaa inta badan ku andacooda wax ay ugu yeeraan Dimiquraadiyada balse waxaa iska cad in ay xitaa ka been sheegaan wax ay iyagu qorteen . Warbaahinta reer galbeedka ayaa ku fashilanta dagaaladii ka dhacay dalka Ciraaq iyo Afgaanistaan ka dib markii si cad loogu diiday in ay dhexdhexaad u tabiyaan dagaalka xiligaas ka socday Ciraaq iyo Afgaanistaan.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net