Ergeyga gaarka ah ee dalka Soomaaliya u fadhiyo Mareykanka oo is Casilay

January 20, 2013 - Written by

AbukarRa’yi-ku-kala-duwanaasho dhinaca istiraatajiyada siyaasadeed awgeed waxaan go’aansaday in aan iska casilo xilkii aan soo waday mudo ku dhaw seddex sanadood ee ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Fadhiyo Mareykanka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumada wax xumaan ah haba yaraatee nama dhex taal, cadaawana nagama dhexeyso, mucaaradna kuma ihi, tartan siyaasadeedna kulama jiro. Mabaadi’di aan xukuumadi ka horeysay kula shaqeynayay ayaan ayagana kula shaqeeyay. Kuwaas oo ah “Waan idin taageeraa inta aad xaqa ku taagan tihiin; waan idin waaninaa hadii aad qaldantihiin; waan idinka hor imaanaa hadii aad gardaro u bareertaan. Adinkana intaas ayaan idinka filaa.” Halkaan ka eeg warqada Iscasilaada

Aniga iyo dowlada weli dan guud ayaa naga dhexeyso sida dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka. Wadankana waa noo wada baahanyahay. Sidaas darteed waxaan balan qaaday in aan la shaqeeyo shaqsiga uu Madaxweynaha soo magacaabo inuu la wareego xilkan. Waxaa kale oo aan balan qaaday in wixii la iiga baahdo oo sedexda “D” oo kor ku xusan wax taraayo aan si daacadnimo ah ugu shaqeeyo.

Nabad iyo Guul, insha-Allah.

Abukar Carmaan

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online