Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Beledweyne Ugaas Khaliif oo la dayactiray
January 29, 2013 - Written byHiiraan:-Waxaa maanta galinkii danbe dib loo furay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baledweyne ee Ugaas Khaliif ka dib markii dayactir ay ku sameeyeen ciidamada dalka Jabuuti oo ka tirsan ciidanka AMISOM waxaana munaasabada lagu furay garoonka Ugaas Khaliif ka soo qeyb galay Masuuliinta gobalka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.
Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaan shaqayn mudo badan ka dib markii ay wax yeeleeyeen Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Hiiraan. Taliyaha ciidanka AMISOM ee magaalada Baledweyne Col.Cismaan Dubbad oo ka hadlay munaasabada lagu furay garoonka Ugaas Khaliif ayaa sheegay in ay dayactir ku sameeyeen garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ayna ku kordhiyeen ilaa 3mitir.
Odayaal waxgarad iyo Suxufiyiinta ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa maanta booqday Garoonka Ugaas Khaliif waxaana dib u bilaawday howlihii garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne dadweynaha ku dhaqan gobalka Hiiraan ayaa aad u soo dhaweeyey in uu dib u shaqo bilaabo Garoonka Diyaaradaha ee Baladweyne.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net